(24) Eebe waa kan idin kala reebay «idinna kala ilaaliyay» gaaladii markaad maka gudeheeda joogteen intuu idin makaniyay korkooda kaddib, Eebana waa arkaa waxaad camal falaysaan.
(25) Gaaladii makaad waa kuwii masaadjidka xurmaysan idinka reebay iyadooy hadyadii darbantahay inaygaadho halkii lagu xalaalaynlahaa, haddaynan jirin Rag iyo Haween mu'miniin ah (oo la nool) idinna aydaan ogayn marka aad baabi'neeysaan ayna mashaqo idin haleesho (Eebe waa idiin fasixi lahaa). Si uu u galiyo naxariistiisa cidduu doono (yuu saas u yeelay), Hadday mu'miniintu ka soocmi lahaayeen gaalada wuxuu Eebe caddibi lahaa gaalada caddibaad daran.
(26) Xusuusta marka Eebe yeelay kuwii gaaloobay Quluubtooda islawayni iyo cadho, sidii isla waynidii iyocadhadii jaahiliinta oo Eebe ku dajiyay xasilloonidiisii Rasuulkiisa korkiisa iyo mu'miniinta, waafajiyayna kalimada dhawrsashada (Ashahaadada iyo ballan ku sugnaanshaha), iyagaana ugu mudan kalimadaas chelna u ah, Eebana wax walba waa ogyahay.
(27) Eebe waa u rumeeyay Rasuulka riyadiisii si dhab ah, abaydna in mu'miniintu gali MAsjidka xurmaysan hadduu Eebe doono, iyagoo aamin ah oo Timaha xiiri ama gaabin (Xajka iyo Cumrada ka dib) iyagoon cidna ka cabsanaynin, wuxuuna Eebe ogyahay waxaydaan ogayn, markaasuu yeelay galitaanka Maka ka soke Fatxi (Xudaybiya).
(28) Eebe waa kan la diray Rasuulkiisa hanuun iyo diin xaq ah, si uu uga sare mariyo Diimaha oo dhan, Eebaana marag ku filan.