آل عمران   سورة  : Aal-Imran


سورة Sura   آل عمران   Aal-Imran
يَوْمَ تَجِدُ كُلُّ نَفْسٍ مَّا عَمِلَتْ مِنْ خَيْرٍ مُّحْضَرًا وَمَا عَمِلَتْ مِن سُوءٍ تَوَدُّ لَوْ أَنَّ بَيْنَهَا وَبَيْنَهُ أَمَدًا بَعِيدًا ۗ وَيُحَذِّرُكُمُ اللَّهُ نَفْسَهُ ۗ وَاللَّهُ رَءُوفٌ بِالْعِبَادِ (30) قُلْ إِن كُنتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ ۗ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (31) قُلْ أَطِيعُوا اللَّهَ وَالرَّسُولَ ۖ فَإِن تَوَلَّوْا فَإِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ الْكَافِرِينَ (32) ۞ إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَىٰ آدَمَ وَنُوحًا وَآلَ إِبْرَاهِيمَ وَآلَ عِمْرَانَ عَلَى الْعَالَمِينَ (33) ذُرِّيَّةً بَعْضُهَا مِن بَعْضٍ ۗ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ (34) إِذْ قَالَتِ امْرَأَتُ عِمْرَانَ رَبِّ إِنِّي نَذَرْتُ لَكَ مَا فِي بَطْنِي مُحَرَّرًا فَتَقَبَّلْ مِنِّي ۖ إِنَّكَ أَنتَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (35) فَلَمَّا وَضَعَتْهَا قَالَتْ رَبِّ إِنِّي وَضَعْتُهَا أُنثَىٰ وَاللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا وَضَعَتْ وَلَيْسَ الذَّكَرُ كَالْأُنثَىٰ ۖ وَإِنِّي سَمَّيْتُهَا مَرْيَمَ وَإِنِّي أُعِيذُهَا بِكَ وَذُرِّيَّتَهَا مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ (36) فَتَقَبَّلَهَا رَبُّهَا بِقَبُولٍ حَسَنٍ وَأَنبَتَهَا نَبَاتًا حَسَنًا وَكَفَّلَهَا زَكَرِيَّا ۖ كُلَّمَا دَخَلَ عَلَيْهَا زَكَرِيَّا الْمِحْرَابَ وَجَدَ عِندَهَا رِزْقًا ۖ قَالَ يَا مَرْيَمُ أَنَّىٰ لَكِ هَٰذَا ۖ قَالَتْ هُوَ مِنْ عِندِ اللَّهِ ۖ إِنَّ اللَّهَ يَرْزُقُ مَن يَشَاءُ بِغَيْرِ حِسَابٍ (37)
الصفحة Page 54
(30) (Xusuuso) Maalinta ay heli Nafkastaa waxay Camal fashay oo Khayr ah oo la soo xaadiriyey (la keenay) waxay Camal Fashay oo Xumaan ahna waxay jeelaan in la yeelo iyada iyo isaga dhexdooda muddo dheer, wuxuuna idiinka digi Eebe Naftiisa (Ciqaabtiisa) Eebana waa u Naxariistaha Adoomadiisa.
(31) Waxaad dhahdaa haddaad tihiin kuwo jeeel Eebe i raaca haydin jeelaado Eeebee hana idiin dhaafo dambigiinee, Eebana wa dambi dhaafe Naxariista.
(32) Waxaad dhahdaa adeeca Eebe iyo Rasuulkiisa, haddaad jeedsataan Eebe ma jeela Gaalada.
(33) Eebe wuxuu ka doortay Aadan, Nuux, Ehelkii Ibraahim iyo Ehelkii Cimraan Calaamka.
(34) Waana Farac Qaarkood Qaar ka yimid Eebana waa Maqle oge ah.
(35) Xusuuso markay tidhi Haweenaydii Cimraan Eebow waxaan kuugu Nadray waxaa uurkayga ku jira inuu Xor kuu ahaado (Cibaadadaada) ee iga aqbal adiga umbaa wax Maqleoge ehe.
(36) Markay dhashay Gabadh waxay tidhi Eebow waxaan dhalay Dhaddig, Eebana waa ogyahay waxay dhashay Labna la mid ma aha dhaddig, waxaana ka magacaabay Maryam waxaana kaa magan galin iyada iyo Faraceeda Shaydaanka la dhagaxyeeyey (la dheereeyey).
(37) Wuxuuna ka aqbalay Eebe aqbal fiican, wuuna koriyey korin fiican (Xanaano) waxaana kafaala qaaday (Dhaqaaleeyey) Zakariye, markastoos ugu galana Mixraabka (Qolka) wuxuu ka helaa agteeda Rizqi, wuxuuna dhahaa xaggee kaaga yimid Maryamow kan, waxayna dhahdaa wuxuu ka yimid Eebe agtiisa, Eebana wuu u Arzuqaa Cidduu doono Xisaab la'aan.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022