الواقعة   سورة  : Al-Waaqia


سورة Sura   الواقعة   Al-Waaqia
يَطُوفُ عَلَيْهِمْ وِلْدَانٌ مُّخَلَّدُونَ (17) بِأَكْوَابٍ وَأَبَارِيقَ وَكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍ (18) لَّا يُصَدَّعُونَ عَنْهَا وَلَا يُنزِفُونَ (19) وَفَاكِهَةٍ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ (20) وَلَحْمِ طَيْرٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ (21) وَحُورٌ عِينٌ (22) كَأَمْثَالِ اللُّؤْلُؤِ الْمَكْنُونِ (23) جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (24) لَا يَسْمَعُونَ فِيهَا لَغْوًا وَلَا تَأْثِيمًا (25) إِلَّا قِيلًا سَلَامًا سَلَامًا (26) وَأَصْحَابُ الْيَمِينِ مَا أَصْحَابُ الْيَمِينِ (27) فِي سِدْرٍ مَّخْضُودٍ (28) وَطَلْحٍ مَّنضُودٍ (29) وَظِلٍّ مَّمْدُودٍ (30) وَمَاءٍ مَّسْكُوبٍ (31) وَفَاكِهَةٍ كَثِيرَةٍ (32) لَّا مَقْطُوعَةٍ وَلَا مَمْنُوعَةٍ (33) وَفُرُشٍ مَّرْفُوعَةٍ (34) إِنَّا أَنشَأْنَاهُنَّ إِنشَاءً (35) فَجَعَلْنَاهُنَّ أَبْكَارًا (36) عُرُبًا أَتْرَابًا (37) لِّأَصْحَابِ الْيَمِينِ (38) ثُلَّةٌ مِّنَ الْأَوَّلِينَ (39) وَثُلَّةٌ مِّنَ الْآخِرِينَ (40) وَأَصْحَابُ الشِّمَالِ مَا أَصْحَابُ الشِّمَالِ (41) فِي سَمُومٍ وَحَمِيمٍ (42) وَظِلٍّ مِّن يَحْمُومٍ (43) لَّا بَارِدٍ وَلَا كَرِيمٍ (44) إِنَّهُمْ كَانُوا قَبْلَ ذَٰلِكَ مُتْرَفِينَ (45) وَكَانُوا يُصِرُّونَ عَلَى الْحِنثِ الْعَظِيمِ (46) وَكَانُوا يَقُولُونَ أَئِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَبْعُوثُونَ (47) أَوَآبَاؤُنَا الْأَوَّلُونَ (48) قُلْ إِنَّ الْأَوَّلِينَ وَالْآخِرِينَ (49) لَمَجْمُوعُونَ إِلَىٰ مِيقَاتِ يَوْمٍ مَّعْلُومٍ (50)
الصفحة Page 535
(17) Waxaa la dhex wareegi wiilal waari.
(18) Koobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda.
(19) Madax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.
(20) Faakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.
(21) Iyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah.
(22) Iyo Haween Janno oo Indha cadcad.
(23) Ood mooddo Jawhar la ilaaliyay.
(24) Waana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa).
(25) Kumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.
(26) Waxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah).
(27) Kuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta.
(28) Waxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn.
(29) Iyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa.
(30) Iyo Hoos joogta ah.
(31) Iyo Biyo socda (goor walba).
(32) Iyo Faakiha badan.
(33) Oon la goynaynin lana reebaynin.
(34) Iyo Gogol la koryeelay.
(35) Annagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada).
(36) Kana dhigi kuwa aan la taaban.
(37) Oy is jecelyihiin (Raggooda) simanna.
(38) Liwa Midigta yaa muta (arrintaas).
(39) Waana Koox kuwii hore ka mid ah.
(40) Iyo Koox kuwa dambe ka mid ah.
(41) Kuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda.
(42) Waxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan.
(43) Iyo hoos madow oo wax guba.
(44) Aan qaboobayn aragna fiicnayn.
(45) Waxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta).
(46) Waxayna Daa'imi jireen dambi wayn.
(47) Waxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin.
(48) Ama Aabayaalkannagii horeeyay.
(49) Waxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba.
(50) Waxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo).
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022