(14) la dagaallama, Eebe ha ku cadaabo gaemihiinnee hana dulleeyee hana idinku gargaaree oo bugsiiyo laabta qoom Mu'miniina.
(15) tegsiiyana cadhada quluubtooda, wuxuuna ka toobad aqbalaa eebe cidduu doono, Eebana waa oge falsan.
(16) ma waxaad u malayseen in laydinka tegi isagoon Eebe muujin kuwa jahaaday oo idinka mida oon ka yeelanin wax ka soo hadhay Eebe iyo Rasuulkiisa iyo Mu'miniinta Saaxiib, Eebana waa ogyahay waxaad falaysaan.
(17) uma bannaana gaalada inay camiraan Masaajiidda Eebe iyagoo ku qiri Naftooda gaalnimo kuwaas waxaa buray camalkoodii naartana way ku dhex waari.
(18) waxaa uun camira masaajidda Eebe cid rumaysay Eebe iyo maalinta dambe oo salaadda ooga oo bixiya sakada kana cabsanayn waxaan Eebe ahayn, waxay u dhawyihiin kuwaas inay ka mid noqdaan kuwa hanuunsan.
(19) ma waxaad kala mid dhigteen waraabinta xaajiga iyo camiridda masaajidka xurmaysan ruux rumeeyey Eebe iyo maalinta dambe oo ku jahaaday jidka Eebe kuma sinna Eebe agtiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka daalimiinta ah.
(20) kuwa rumeeyey (Xaqa) oo hijrooday oo ku jahaaday jidka Eebe xoolahooda iyo naftooda, yaa ku darajo wayn Eebe agtiisa, kuwaasina waa kuwa uun liibaanay.