ص   سورة  : Saad


سورة Sura   ص   Saad
وَقَالُوا مَا لَنَا لَا نَرَىٰ رِجَالًا كُنَّا نَعُدُّهُم مِّنَ الْأَشْرَارِ (62) أَتَّخَذْنَاهُمْ سِخْرِيًّا أَمْ زَاغَتْ عَنْهُمُ الْأَبْصَارُ (63) إِنَّ ذَٰلِكَ لَحَقٌّ تَخَاصُمُ أَهْلِ النَّارِ (64) قُلْ إِنَّمَا أَنَا مُنذِرٌ ۖ وَمَا مِنْ إِلَٰهٍ إِلَّا اللَّهُ الْوَاحِدُ الْقَهَّارُ (65) رَبُّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا الْعَزِيزُ الْغَفَّارُ (66) قُلْ هُوَ نَبَأٌ عَظِيمٌ (67) أَنتُمْ عَنْهُ مُعْرِضُونَ (68) مَا كَانَ لِيَ مِنْ عِلْمٍ بِالْمَلَإِ الْأَعْلَىٰ إِذْ يَخْتَصِمُونَ (69) إِن يُوحَىٰ إِلَيَّ إِلَّا أَنَّمَا أَنَا نَذِيرٌ مُّبِينٌ (70) إِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي خَالِقٌ بَشَرًا مِّن طِينٍ (71) فَإِذَا سَوَّيْتُهُ وَنَفَخْتُ فِيهِ مِن رُّوحِي فَقَعُوا لَهُ سَاجِدِينَ (72) فَسَجَدَ الْمَلَائِكَةُ كُلُّهُمْ أَجْمَعُونَ (73) إِلَّا إِبْلِيسَ اسْتَكْبَرَ وَكَانَ مِنَ الْكَافِرِينَ (74) قَالَ يَا إِبْلِيسُ مَا مَنَعَكَ أَن تَسْجُدَ لِمَا خَلَقْتُ بِيَدَيَّ ۖ أَسْتَكْبَرْتَ أَمْ كُنتَ مِنَ الْعَالِينَ (75) قَالَ أَنَا خَيْرٌ مِّنْهُ ۖ خَلَقْتَنِي مِن نَّارٍ وَخَلَقْتَهُ مِن طِينٍ (76) قَالَ فَاخْرُجْ مِنْهَا فَإِنَّكَ رَجِيمٌ (77) وَإِنَّ عَلَيْكَ لَعْنَتِي إِلَىٰ يَوْمِ الدِّينِ (78) قَالَ رَبِّ فَأَنظِرْنِي إِلَىٰ يَوْمِ يُبْعَثُونَ (79) قَالَ فَإِنَّكَ مِنَ الْمُنظَرِينَ (80) إِلَىٰ يَوْمِ الْوَقْتِ الْمَعْلُومِ (81) قَالَ فَبِعِزَّتِكَ لَأُغْوِيَنَّهُمْ أَجْمَعِينَ (82) إِلَّا عِبَادَكَ مِنْهُمُ الْمُخْلَصِينَ (83)
الصفحة Page 457
(62) Waxayna dhaheen (Madaxdii) Gaalada maxaan la arkiweyney rag aan ku tirinay kuwo xun xun,
(63) Ma waxaan ka yeelanay (adduunkuu) Jees jees mise waxaa ka iishey xaggooda Araggii.
(64) Kaasina (doodaas) waa xaq sugan oo ah dooda ehelu naarka.
(65) Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaan uun ahay dige, Eebe aan Eebe ahayna ma jiro ee kaliga ah awoodana badnaa.
(66) Ee ah Eebaha samooyinja iyo dhulka iyo waxa udhaxeeyaba, ahna adkaade dambidhaaf badan.
(67) Waxaad dhahdaa Nabiyow Quraanku waa war weyn.
(68) Ood idinku ka jeedsaneysaan.
(69) mana ogayn shirka sare (malaa'igtu) markey doodayaan (Haddaan waxyi jirin).
(70) waxaa uun leywaxyoodey inaan ahaydige muuqda.
(71) Xusuuso markuu Eebe ku yidhi malaa'igta anigu waxaan ka abuuri dadka (Aadam) Dhoobo.
(72) Ee markaan ejeeyo oon ku afuufo Ruuxdeyda ugu dhaca sujuud (salaan).
(73) Wayna sujuudey malaa'igtii dhamaantood oo idil.
(74) Ibliss mooyee oo is kibriyey kana mid noqday gaalada.
(75) Eebe wuxuu yidhi Ibliisow maxaa kaa reebay inaad u sujuuddo kaan ku abuuray yaddayda ma iskibrisey mise waxaad ka mid noqotay kuwa islasareeya.
(76) Wuxuuna yidhi anaa ka kheyroon isaga (aadam), waxaad iga abuurtey naar isagana waxaad ka abuurtey dhoobo.
(77) Eebe wuxuu ku yidhi iiga bax samadeyda, waxaad tahay mid la dheereeyeye.
(78) Korkaagana ha ahaato lacanade tan iyo maalinta abaalmarinta.
(79) Wuxuu yidhi (ibliis) Eebow i sugtan iyo maalinta la soo bixin dadka.
(80) Eebe wuxuu yidhi waxaad ka midtahay kuwa la sugi.
(81) Tan iyo maalinta waqtiga layqaan ah.
(82) Wuxuuna yidhi waxaan ku dhaartey sharaftaadee waan baadiyeyn dhamaantood.
(83) marka laga reebo addomadaada suuban.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022