(22) Ma helaysid dad Ilaahay rumeeyey iyo Maalintii dambeeysay oo haddana jecel ruux Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya haba ahaadeen Aabayowgood, Caruurtooda, Walaahood ama Qaraabadooda, kuwaas (aan jeelaanin) waa kuwo qalbigooda iimaanka lagu dhigay Eebena ku xoojiyey gargaarkiisa, wuxuuna gelin Jannooyin Wabiyaal dhex socdaan ay kuna waari, kuwaas Ilaahay baa ka raalli noqday iyana way ka raallii noqdeen waana Xisbiga Ilaahay; Xisbiga Ilaahayna waa kuwa Liibaanay.
الحشر Al-Hashr
(1) Waxaa Eebe nasaha (sharifa) waxa Cirka iyo Dhulka ku dhexnool, waana xoo badane Falsan.
(2) Eebe waa kan bixiyey kuwii gaaloobay ee ahlu Kitaabka ahaa «Yuhuud» Guryahoodii kulmintii hore, idinkoon u malaynin inay bixi iyana waxay u maleeyeen in Guryahoodu wax ka celin, markaasaa Eebe uga yimid meel ayan filayn, qalbigoodana wuxuu ku tuuray cabsi, guryahooda waxay ku kharribeen (ku halleeyeen) gacmahooda iyo gacmaha kuwa rumeeyey, ee dadka Caqliga leh ha waano qaato.
(3) Haddaan Eebe xukumin inay baxaan waxaa lagu caddibi lahaa Adduunka, Aakhirana waxaa u sugnaaday cadaab naareed.