(275) kuwa Cuna Ribada kama istaagaan (Qubuurahooda) siduu u istaago mid la dhiei Shaydaan taabasjadiis mooyee, waxaana ugu waean arrintaas inay dhaheen Beecu (Gadashadu) waa sida Ribada, Wuu baneeye Eebe Beeca (Gadashada) wuxuuna xarrimay Ribada, ruuxuu u yimaado waano Eebihiis oo reebtooma wuxuu mudan wixii horeeyey, amarkiisana waxaa (loo bandhigi) Eebe ruuxiise ku noqda (Ribada) kuwaasu waa asaxaabta (ehelka) Naarta wayna ku waari dhexdeeda.
(276) wuxuu tiraa Eebe Ribada wuxuuna badiyaa (barakeeyaa) Sadaqooyinka, Eebana ma jeela Gaalnimo badane Dambi badan Dhammaantiis.
(277) kuwa rumeeyey xaqa, oo Camalfiican falay, oo Oogay Salaadda, oo Bixiyey sakada waxay ka mudan ajirkooda Eebahood agtiisa, wax cabsi ah iyo murugana korkooda ma ahaato.
(278) kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Eebe kana taga waxa hadhay oo Ribo ah haddaad Mu'mintihiin.
(279) haddaydaan falin (sidaas) ogaada Dagaal Eebe iyo Rasuulkiisa, haddaad Toobad keentaanna waxaad leedihiin Raasamaalkii Xoolihiina, wax dulminmaysaan idiina laydin ma dulmayo.
(280) haddii la helo isagoo caydh ah (kan wax laguleeyahay) ha la sugo intay uga fududaato, haddaad sadaqaysataan (ka saamaxdaan) yaa idiin khayr badan haddaad ogtihiin.
(281) kana dhawrsada Maalinta laydiin soo celin Eebe, kadibna qof walba loo oofin waxay kasbatay, lamana dulmiyo.