(182) ruuxii uga cabsada dardaaran iilasho ama dambi oo hagaajiya dhexdoda, korkiisa danbi masaara, Eebana waa dambi dhaafbadane naxariis badan.
(183) kuwa xaqa rumeeyow waxaa Laydinku wajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyey kuwii idinka horreeyey si aad u dhawrsataan.
(184) waa Maalmo tirsan ee ruuxii idinka mid ah oo buka ama Safar ah waxaa korkiisa ah ayaamp kale (soonkood) kuwa uu dhibina waxay bixin «quudin» Miskiin, ruuxii badsada (Khayrkana) saasaa u fiican, inad Soontaan yaana idiin khayrbadan haddaad tihiin kuwo wax og.
(185) waa bisha Soon ee la soo dajiyey dhexdiisa Quraanka, isagoo hanuun Dadka u ah, iyo caddayn hanuun iyo kala bixin (xaqa iyo baadhilka) ee ruuxii jooga (nagi) ha Soomo, ruuxiise buka ama Safar ah waxaa saaran maalmo kale, wuxuu idinla dooni Eebe fudayd ee idin lama doonayo culaysm waana inaad dhamaystirtaan tirada wayneysaanna Eebe wuxuu idinku hanuuniyey, waxaadna u dhawdihin, mudantihiin, inaad mahadisaan Eebe.
(186) hadday ku warsadaan Nabiyow addoomadu xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa (aqbalaa) baryada markay i baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan.