المعارج   سورة  : Al-Ma'aarij


سورة Sura   المعارج   Al-Ma'aarij
يُبَصَّرُونَهُمْ ۚ يَوَدُّ الْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِي مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍ بِبَنِيهِ (11) وَصَاحِبَتِهِ وَأَخِيهِ (12) وَفَصِيلَتِهِ الَّتِي تُؤْوِيهِ (13) وَمَن فِي الْأَرْضِ جَمِيعًا ثُمَّ يُنجِيهِ (14) كَلَّا ۖ إِنَّهَا لَظَىٰ (15) نَزَّاعَةً لِّلشَّوَىٰ (16) تَدْعُو مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ (17) وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰ (18) ۞ إِنَّ الْإِنسَانَ خُلِقَ هَلُوعًا (19) إِذَا مَسَّهُ الشَّرُّ جَزُوعًا (20) وَإِذَا مَسَّهُ الْخَيْرُ مَنُوعًا (21) إِلَّا الْمُصَلِّينَ (22) الَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ دَائِمُونَ (23) وَالَّذِينَ فِي أَمْوَالِهِمْ حَقٌّ مَّعْلُومٌ (24) لِّلسَّائِلِ وَالْمَحْرُومِ (25) وَالَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوْمِ الدِّينِ (26) وَالَّذِينَ هُم مِّنْ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشْفِقُونَ (27) إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمْ غَيْرُ مَأْمُونٍ (28) وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ (29) إِلَّا عَلَىٰ أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ (30) فَمَنِ ابْتَغَىٰ وَرَاءَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْعَادُونَ (31) وَالَّذِينَ هُمْ لِأَمَانَاتِهِمْ وَعَهْدِهِمْ رَاعُونَ (32) وَالَّذِينَ هُم بِشَهَادَاتِهِمْ قَائِمُونَ (33) وَالَّذِينَ هُمْ عَلَىٰ صَلَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ (34) أُولَٰئِكَ فِي جَنَّاتٍ مُّكْرَمُونَ (35) فَمَالِ الَّذِينَ كَفَرُوا قِبَلَكَ مُهْطِعِينَ (36) عَنِ الْيَمِينِ وَعَنِ الشِّمَالِ عِزِينَ (37) أَيَطْمَعُ كُلُّ امْرِئٍ مِّنْهُمْ أَن يُدْخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٍ (38) كَلَّا ۖ إِنَّا خَلَقْنَاهُم مِّمَّا يَعْلَمُونَ (39)
الصفحة Page 569
(11) Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.
(12) Haweenaydiisa, Walaalkiis.
(13) iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.
(14) iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.
(15) Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).
(16) Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).
(17) Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.
(18) Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).
(19) Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.
(20) Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.
(21) Hadduu khayr helana wuu reebaa.
(22) Marka laga reebo Muslimiinta tukata.
(23) Ee ah kuwa Salaaddooda daa'ima.
(24) Kuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.
(25) Siiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.
(26) Kuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).
(27) Kuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood.
(28) Maxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.
(29) Kuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino.
(30) 30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.
(31) Ruuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.
(32) Kuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya.
(33) Kuwa maraggooda si fiican u furay.
(34) Kuwa Salaaddooda xafida (dhawra).
(35) Kuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.
(36) Maxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin).
(37) Iyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga.
(38) Ma wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima.
(39) Saas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022