الحج   سورة  : Al-Hajj


سورة Sura   الحج   Al-Hajj
ذَٰلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْحَقُّ وَأَنَّهُ يُحْيِي الْمَوْتَىٰ وَأَنَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ (6) وَأَنَّ السَّاعَةَ آتِيَةٌ لَّا رَيْبَ فِيهَا وَأَنَّ اللَّهَ يَبْعَثُ مَن فِي الْقُبُورِ (7) وَمِنَ النَّاسِ مَن يُجَادِلُ فِي اللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَلَا هُدًى وَلَا كِتَابٍ مُّنِيرٍ (8) ثَانِيَ عِطْفِهِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ اللَّهِ ۖ لَهُ فِي الدُّنْيَا خِزْيٌ ۖ وَنُذِيقُهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ عَذَابَ الْحَرِيقِ (9) ذَٰلِكَ بِمَا قَدَّمَتْ يَدَاكَ وَأَنَّ اللَّهَ لَيْسَ بِظَلَّامٍ لِّلْعَبِيدِ (10) وَمِنَ النَّاسِ مَن يَعْبُدُ اللَّهَ عَلَىٰ حَرْفٍ ۖ فَإِنْ أَصَابَهُ خَيْرٌ اطْمَأَنَّ بِهِ ۖ وَإِنْ أَصَابَتْهُ فِتْنَةٌ انقَلَبَ عَلَىٰ وَجْهِهِ خَسِرَ الدُّنْيَا وَالْآخِرَةَ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الْخُسْرَانُ الْمُبِينُ (11) يَدْعُو مِن دُونِ اللَّهِ مَا لَا يَضُرُّهُ وَمَا لَا يَنفَعُهُ ۚ ذَٰلِكَ هُوَ الضَّلَالُ الْبَعِيدُ (12) يَدْعُو لَمَن ضَرُّهُ أَقْرَبُ مِن نَّفْعِهِ ۚ لَبِئْسَ الْمَوْلَىٰ وَلَبِئْسَ الْعَشِيرُ (13) إِنَّ اللَّهَ يُدْخِلُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۚ إِنَّ اللَّهَ يَفْعَلُ مَا يُرِيدُ (14) مَن كَانَ يَظُنُّ أَن لَّن يَنصُرَهُ اللَّهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ فَلْيَمْدُدْ بِسَبَبٍ إِلَى السَّمَاءِ ثُمَّ لْيَقْطَعْ فَلْيَنظُرْ هَلْ يُذْهِبَنَّ كَيْدُهُ مَا يَغِيظُ (15)
الصفحة Page 333
(6) Tassna waxaa ugu Wacan in Eebe uun Xaq yahay uuna Nooleeyo waxa Dhintay iyo inuu wax walba Karo.
(7) Iyo in Saacadda Qiyaame iman Shaki la'aan, Eebana wuxuu soo Bixin waxa Qubuuraha ku Sugan.
(8) Dadka waxaa ka mid ah mid ku Dloodi Eebe Cilmi La'aan iyo Hanuun La'aan iyo Kitaab wax Nuurin la'aantiis.
(9) oo Dadbi Luqunta (Iskibrin) inuu ka Dhumiyo Jidka Eebe, wuxuu Mudan Adduunyada Dulli waxaana Dhadhansiin Maalinta Qiyaame Cadaab wax Guba.
(10) Taasna waa waxay Ilor marsatay Gacmahaagu, Eebana ma aha Dulmiyaha Addoomada.
(11) Waxaa ka mid ah Dadka mid u Caabudi (Eebe) Dhinac (Shaki) Hadduu soo Gaadho Khayra Xasili, Hadduu soo Gaadho Imtixaan (Dhibna) u Gabdooma Wajigiisa (Gaalooba) wuxuu Khasaariyey Adduun iyo Aakhiraba Kaasina waa Khasaaraha Cad uun.
(12) Wuxuu Caabudi (Baryina) Eebe ka Sokow waxaan Dhibayn Anfacaynna Kaasina waa uun Baadida Fog.
(13) Wuxuu Caabudi wax Dhibkiisu ka Dhawyahay Naefigiisu, isagaa u Xun Sokeeye una Xun la noolaadi.
(14) Ilaahay wuxuu Galiyaa kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo Falay Camal Fiican Jannooyin ay Socoto Dhexdeeda Wabiyaal, Eebana wuxuu Falaa wuxuu Doono.
(15) Ciddii u Malayn Inuusan u Gargaarayn Eebe Nabigiisa Adduun iyo Aakhiraba ha u Fidiyo Xadhig Xagga Samada hana isku Gooyo (Marjiyo) hana dayo inay Dhagartiisu Tegiiso waxa Cadho Galin.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022