النور   سورة  : An-Noor


سورة Sura   النور   An-Noor
إِنَّ الَّذِينَ جَاءُوا بِالْإِفْكِ عُصْبَةٌ مِّنكُمْ ۚ لَا تَحْسَبُوهُ شَرًّا لَّكُم ۖ بَلْ هُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ ۚ لِكُلِّ امْرِئٍ مِّنْهُم مَّا اكْتَسَبَ مِنَ الْإِثْمِ ۚ وَالَّذِي تَوَلَّىٰ كِبْرَهُ مِنْهُمْ لَهُ عَذَابٌ عَظِيمٌ (11) لَّوْلَا إِذْ سَمِعْتُمُوهُ ظَنَّ الْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بِأَنفُسِهِمْ خَيْرًا وَقَالُوا هَٰذَا إِفْكٌ مُّبِينٌ (12) لَّوْلَا جَاءُوا عَلَيْهِ بِأَرْبَعَةِ شُهَدَاءَ ۚ فَإِذْ لَمْ يَأْتُوا بِالشُّهَدَاءِ فَأُولَٰئِكَ عِندَ اللَّهِ هُمُ الْكَاذِبُونَ (13) وَلَوْلَا فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ لَمَسَّكُمْ فِي مَا أَفَضْتُمْ فِيهِ عَذَابٌ عَظِيمٌ (14) إِذْ تَلَقَّوْنَهُ بِأَلْسِنَتِكُمْ وَتَقُولُونَ بِأَفْوَاهِكُم مَّا لَيْسَ لَكُم بِهِ عِلْمٌ وَتَحْسَبُونَهُ هَيِّنًا وَهُوَ عِندَ اللَّهِ عَظِيمٌ (15) وَلَوْلَا إِذْ سَمِعْتُمُوهُ قُلْتُم مَّا يَكُونُ لَنَا أَن نَّتَكَلَّمَ بِهَٰذَا سُبْحَانَكَ هَٰذَا بُهْتَانٌ عَظِيمٌ (16) يَعِظُكُمُ اللَّهُ أَن تَعُودُوا لِمِثْلِهِ أَبَدًا إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ (17) وَيُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمُ الْآيَاتِ ۚ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ (18) إِنَّ الَّذِينَ يُحِبُّونَ أَن تَشِيعَ الْفَاحِشَةُ فِي الَّذِينَ آمَنُوا لَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۚ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ (19) وَلَوْلَا فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ وَأَنَّ اللَّهَ رَءُوفٌ رَّحِيمٌ (20)
الصفحة Page 351
(11) Kuwa la Yimid Been Abuurka (Qadafka Caasho) waa Koox Idinka mid ah, How Malaynina inay Shar Idiin tahay, waxayse idiin tahay Khayr, Qof kasta oo ka Mid ahna waxaa u Sugnaaday wuxuu kasban oo Dambi ah midka Qaatay Waynanka Arintana oo ka mid ah wuxuu Mudan Cadaab weyn (Ibnu Salool).
(12) Maxaydaan Markaad Maqasheen Xaalka (Qadafka) ayna ugu malayn Mu'miniinta ragga iyo Haween Naftooda Khayr, oyna u Dhihin Kaasi waa Been Abuur Cad.
(13) Mayse u Keenaan Korkiisa Afar Marag, Haddayna keenin Marag kuwaasu Eebe Agtiisa waxay ku Yihiin Beenaalayaal.
(14) Hadduuse Jirin Fadliga Eebe ee Korkiinna iyo Naxariistiisa Adduun iyo Aakhiraba waxaa Idin Taaban lahaa waxaad Dhexgasheen Dartiis Cadaab weyn.
(15) Markaad kula kulmaysaan Qadafka Carrabkiinna oo ku Dhahaysaan Afkiinna waxaydaan Ogayn, una Malaynaysaan wax Fudud Isagoo Eebe Agtiisa ku wayn.
(16) Markaad Maqasheen Maad Dhahdaan Nooma Habboona Inaan ku Haddallo kan, Eebaa Nasahan ee kan (Qadafka) waa Been Abuur wayn.
(17) wuu idinka Waanin Eebe inaad u Noqotaan Isagoo kale Waligeed Haddaad Tihiin Mu'miniin.
(18) Wuxuuna idiin Caddayn Eebe Aayaadkiisa, Eebana waa Oge Falsan.
(19) Kuwa Jecel inay ku Faafto Xumaantu Kuwa Rumeeyey (Xaqa) waxaa u Sugnaaday Cadaab daran Adduuniyo Aakhiraba, Eebena waa Ogyahay idinkuna ma Ogidin.
(20) Hadduuna jirin Fadliga Eebe ee Korkiina iyo Naxariistiisa iyo in Eebe yahay Naxariis badane Ilaaliya, (Waxaa ahaan lahaa wax kale).
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022