الأعراف   سورة  : Al-A'raaf


سورة Sura   الأعراف   Al-A'raaf
۞ يَا بَنِي آدَمَ خُذُوا زِينَتَكُمْ عِندَ كُلِّ مَسْجِدٍ وَكُلُوا وَاشْرَبُوا وَلَا تُسْرِفُوا ۚ إِنَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ (31) قُلْ مَنْ حَرَّمَ زِينَةَ اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ وَالطَّيِّبَاتِ مِنَ الرِّزْقِ ۚ قُلْ هِيَ لِلَّذِينَ آمَنُوا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا خَالِصَةً يَوْمَ الْقِيَامَةِ ۗ كَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ الْآيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ (32) قُلْ إِنَّمَا حَرَّمَ رَبِّيَ الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ وَالْإِثْمَ وَالْبَغْيَ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَأَن تُشْرِكُوا بِاللَّهِ مَا لَمْ يُنَزِّلْ بِهِ سُلْطَانًا وَأَن تَقُولُوا عَلَى اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ (33) وَلِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌ ۖ فَإِذَا جَاءَ أَجَلُهُمْ لَا يَسْتَأْخِرُونَ سَاعَةً ۖ وَلَا يَسْتَقْدِمُونَ (34) يَا بَنِي آدَمَ إِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ رُسُلٌ مِّنكُمْ يَقُصُّونَ عَلَيْكُمْ آيَاتِي ۙ فَمَنِ اتَّقَىٰ وَأَصْلَحَ فَلَا خَوْفٌ عَلَيْهِمْ وَلَا هُمْ يَحْزَنُونَ (35) وَالَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَاسْتَكْبَرُوا عَنْهَا أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ (36) فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ افْتَرَىٰ عَلَى اللَّهِ كَذِبًا أَوْ كَذَّبَ بِآيَاتِهِ ۚ أُولَٰئِكَ يَنَالُهُمْ نَصِيبُهُم مِّنَ الْكِتَابِ ۖ حَتَّىٰ إِذَا جَاءَتْهُمْ رُسُلُنَا يَتَوَفَّوْنَهُمْ قَالُوا أَيْنَ مَا كُنتُمْ تَدْعُونَ مِن دُونِ اللَّهِ ۖ قَالُوا ضَلُّوا عَنَّا وَشَهِدُوا عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ أَنَّهُمْ كَانُوا كَافِرِينَ (37)
الصفحة Page 154
(31) Banii Aadamow qaata Quruxdiinna (Dharka) Masaajid kasta agtiisa, Cuna oo Cabbana hana xad gudbina Illeen Eebe ma Jeela kuwa xadgudubee.
(32) Waxaadna Dhahdaa yaa Reebay Quruxdii Eebe u soo Bixiyey Addoomadiisa, iyo Wanaagga Rizqiga ag, waxaad Dhahdaa waxaa iska leh kuwa Rumeeyey Nolosha Adduunyo Dhexdeeda, Gaarna u tahay Maalinta Qiyaame, saasaana ugu Caddaynay Aayaadkanaga Ciddii wax Og.
(33) Waxaad dhahdaa wuxuu uun Xarrimay Eebahay wax Xun kan Muuqda iyo ka Qarsoonba, iyo Dambiga, iyo Xad Gudub Xaq darro iyo inaad la wadaajisaan Eebe wuxuusan Xujo u soo Dejinin, iyo inaad ku Sheegtaan Eebe waxaydaan Ogayn «Xaqnimadiisa».
(34) Ummadkasta waxaa u sugnaaday Ajal (Muddo) markay Timaaddo Ajashuna kama dibmaraan Saacad kamana hor maraan.
(35) Banii Aadamow hadday idiin yimaadaan Rasuullo idinka mida oo idiinka warrama Aayaadkayga Ciddiise Dhawrsata oo Wanaag Fasha, Cabsi ma Saarra mana Walbahaaraan.
(36) Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga oo iska Mibriya Xaggeeda kuwaasi waa Naarta Ehelkeeda wayna ku Waari.
(37) Yaa ka Dulmi Badan Cid ku Abuuratay Eebe Been ama Beenisa Aayaadkiisa, kuwaasu waxay Heli qaybtoodii loo qoray, markay u Timaaddo Malaa'igtanada (Mawdka) oo Dili waxay ku Dhahaan Aaway waxaad Caabudayseen Eebe ka Sokow waxay Dhahaan way naga Dhumeen, waxayna ku marag Fureen Naftooda inay ahaayeen Gaalo.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022