(21) wuxuu ugu bishaarayn Eebahood naxariis xaggiisa ah, ralli ahaansho iyo jannooyin oy ku mudan dhexdeeda niemo nagaadi ah «Joogto».
(22) iyagoo ku waari dhexdeeda waligood Eebe agtiisaana Ajir wayn yahay.
(23) kuwa (xaqa) rummeyow ha ka yeelanina Aabayaalkiin iyo walaalihiin sokeeye hadday ka jeelaadaan gaalnimada iimaanka, ciddiise ka sokeeye yeelata oo idinka mida kuwaasu iyaga umbaa daalimiina.
(24) waxaad dhahdaa haddaad aabayaalkiin, caruurtiinna, walaalihiin, haweenkiinna, qaraabadiinna, xoolo aad kasbateen, ganacsi aad ka cabsanaysaan inuu baaro iyo guryo aad ka raalli tihiin ka jeeeeshihiin Ilaahay, rasuulkiisa iyo jahaad jidkiisa suga inta Eebe ka keeni amarkiisa, Eebana ma hanuuniyo qoomka faasiqiinta ah.
(25) wuxuu idiinku gargaaray Eebe meelo badan iyo maalintii xunayn markay idin cajabisay badnidiinnii oona waxba iddin tarin dhulkuna idinku cidhiidyamay isagoo waasaca markaas aad jeedsateen idinkoo carari.
(26) markaas Eebe ku soo dajiyey xasilkiisii Rasuulkiisii iyo Mu'miniintii kuna soo dejiyey junuud aydaan arkayn uuna cadaabay kuwii gaaloobay, taasina waa abaalka gaalada.