النور   سورة  : An-Noor


سورة Sura   النور   An-Noor
۞ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّبِعُوا خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ ۚ وَمَن يَتَّبِعْ خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ فَإِنَّهُ يَأْمُرُ بِالْفَحْشَاءِ وَالْمُنكَرِ ۚ وَلَوْلَا فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكُمْ وَرَحْمَتُهُ مَا زَكَىٰ مِنكُم مِّنْ أَحَدٍ أَبَدًا وَلَٰكِنَّ اللَّهَ يُزَكِّي مَن يَشَاءُ ۗ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ (21) وَلَا يَأْتَلِ أُولُو الْفَضْلِ مِنكُمْ وَالسَّعَةِ أَن يُؤْتُوا أُولِي الْقُرْبَىٰ وَالْمَسَاكِينَ وَالْمُهَاجِرِينَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ۖ وَلْيَعْفُوا وَلْيَصْفَحُوا ۗ أَلَا تُحِبُّونَ أَن يَغْفِرَ اللَّهُ لَكُمْ ۗ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (22) إِنَّ الَّذِينَ يَرْمُونَ الْمُحْصَنَاتِ الْغَافِلَاتِ الْمُؤْمِنَاتِ لُعِنُوا فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ وَلَهُمْ عَذَابٌ عَظِيمٌ (23) يَوْمَ تَشْهَدُ عَلَيْهِمْ أَلْسِنَتُهُمْ وَأَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُم بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (24) يَوْمَئِذٍ يُوَفِّيهِمُ اللَّهُ دِينَهُمُ الْحَقَّ وَيَعْلَمُونَ أَنَّ اللَّهَ هُوَ الْحَقُّ الْمُبِينُ (25) الْخَبِيثَاتُ لِلْخَبِيثِينَ وَالْخَبِيثُونَ لِلْخَبِيثَاتِ ۖ وَالطَّيِّبَاتُ لِلطَّيِّبِينَ وَالطَّيِّبُونَ لِلطَّيِّبَاتِ ۚ أُولَٰئِكَ مُبَرَّءُونَ مِمَّا يَقُولُونَ ۖ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَرِزْقٌ كَرِيمٌ (26) يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَدْخُلُوا بُيُوتًا غَيْرَ بُيُوتِكُمْ حَتَّىٰ تَسْتَأْنِسُوا وَتُسَلِّمُوا عَلَىٰ أَهْلِهَا ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ (27)
الصفحة Page 352
(21) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Raacina Tallaabooyinka (camalka) Shaydaanka Ciddii Raacda Tallaabooyinka Shaydaanka Isagu wuxuu Faraa Xumaanta iyo waxa la Naco, Hadduusan jirin Fadliga Eebe ee Korkiinna iyo Naxariistiisa ma Daahirineen Ruux idinka Mid ah Waligeed, Laakiin Eebaa Daahiriya Cidduu Doono, Eebana waa Maqle Og.
(22) Yeyna ku Dhaaranin kuwa Fadliga (Dheeraadka) leh iyo Ilodanimada inayan wax siinayn Qaraabada, Masaakiinta iyo kuwa ku Hijrooda Jidka Eebe, hana iska Cafiyaan hana Saamaxeen, miyeydaan Jeelayn inuu idiin Dhaafo Eebe, Ilaahayna waa Dhaafe Naxariista.
(23) Kuwa Gana «Qadfa» Haweenka Dhawrsoon ee Halmaansan (Xumaanta) ee Mu'minaadka ah waa La Lacnaday Adduun iyo Aakhiraba, waxayna Mudan Cadaab Weyn.
(24) Maalinta Ay ku Marag-kici Carrabadoodu, Caemahoodu, iyo Lugahoodu waxay Camalfaleen.
(25) Maalintaas wuxuu u oofin Eebe Abaal Marintooda Sugan, waxayna Ogaan in Eebe Yahay Xaqa Cad (Sugan).
(26) Haweenka iyo Hadalka Xunba wuxuu u Sugnaaday Nimanka Xun, kuwa Xunna waxay u sugnaadeen kuwa Xun, Kuwa Wanaagsanna waxay u sugnaadeen Kuwa Wanaagsan, kuwaasna (Caa'isha iyo Ehelkeedu) waa Ka Bari (Dheeryihiin) waxay Sheegi, waxayna Mudan Dambi Dhaaf iyo Rizqi Sharaf leh (Janno).
(27) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Galina Guryo aan Kuwiinna ahayn Intaad ka Idam Warsataan kana Salaantaan Ehelkooda, Saasaana idiin Khayr Roon si aad u Xusuusataan.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022