الأنعام   سورة  : Al-An'aam


سورة Sura   الأنعام   Al-An'aam
وَلَا تَقْرَبُوا مَالَ الْيَتِيمِ إِلَّا بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ حَتَّىٰ يَبْلُغَ أَشُدَّهُ ۖ وَأَوْفُوا الْكَيْلَ وَالْمِيزَانَ بِالْقِسْطِ ۖ لَا نُكَلِّفُ نَفْسًا إِلَّا وُسْعَهَا ۖ وَإِذَا قُلْتُمْ فَاعْدِلُوا وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَىٰ ۖ وَبِعَهْدِ اللَّهِ أَوْفُوا ۚ ذَٰلِكُمْ وَصَّاكُم بِهِ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ (152) وَأَنَّ هَٰذَا صِرَاطِي مُسْتَقِيمًا فَاتَّبِعُوهُ ۖ وَلَا تَتَّبِعُوا السُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمْ عَن سَبِيلِهِ ۚ ذَٰلِكُمْ وَصَّاكُم بِهِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ (153) ثُمَّ آتَيْنَا مُوسَى الْكِتَابَ تَمَامًا عَلَى الَّذِي أَحْسَنَ وَتَفْصِيلًا لِّكُلِّ شَيْءٍ وَهُدًى وَرَحْمَةً لَّعَلَّهُم بِلِقَاءِ رَبِّهِمْ يُؤْمِنُونَ (154) وَهَٰذَا كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ مُبَارَكٌ فَاتَّبِعُوهُ وَاتَّقُوا لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ (155) أَن تَقُولُوا إِنَّمَا أُنزِلَ الْكِتَابُ عَلَىٰ طَائِفَتَيْنِ مِن قَبْلِنَا وَإِن كُنَّا عَن دِرَاسَتِهِمْ لَغَافِلِينَ (156) أَوْ تَقُولُوا لَوْ أَنَّا أُنزِلَ عَلَيْنَا الْكِتَابُ لَكُنَّا أَهْدَىٰ مِنْهُمْ ۚ فَقَدْ جَاءَكُم بَيِّنَةٌ مِّن رَّبِّكُمْ وَهُدًى وَرَحْمَةٌ ۚ فَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّن كَذَّبَ بِآيَاتِ اللَّهِ وَصَدَفَ عَنْهَا ۗ سَنَجْزِي الَّذِينَ يَصْدِفُونَ عَنْ آيَاتِنَا سُوءَ الْعَذَابِ بِمَا كَانُوا يَصْدِفُونَ (157)
الصفحة Page 149
(152) hana u Dhawaanina Xoolaha Agoonta si Fiican mooyee intay ka Gaadhaan Xoogooda, Dhammaystirana Miisidda iyo Miisaanka, si Caddaalada, laguma kalifo Nafi waxayna karin haddaad hadlaysaanna Caddaalad fala, Qaraababa ha ahaadee, oofiyana Ballanka Eebe, Sidaasaana Eebe idin faray inaad waantoowdaan.
(153) Kaasinawaa Jidkayga toosan ee Raaca, hana Raacina Wadiiqaha oo idin la kala Tago (Idinka leexiyo Jidka Eebe) Saasaana Eebe idin faray inaad Dhawrsataan.
(154) Waxaana Siinnay Nabi Muuse Kitaabkii (Towreed) Annagoo Dhammaystiri waxa wanaagsan, wax walbana Caddayn, Isagoo hanuun iyo Naxariis ah, inay la kulanka Eebahood Rumeeyaan.
(155) Kanna (Quraanku) waa Kitaab aan soo Dejinnay oo Barkaysan, ee Raaca Dhawrsadana in laydiin Naxariisto.
(156) Oydaan Dhihin waxaa uun Kitaab lagu soo Dejiyey Labadii qolo ee naga horreeyey, anaguna ma naqaanno Cilmigoodii.
(157) Ama aydaan dhihin haddii Nalagu soo Dejiyo Kitaab waxaan ahaan lahayn kuwo ka hanuunsan iyaga, waxaa idiinka yimid Xujo (Cad) xagga Eebihiin, iyo Hanuun, iyo Naxariis, cid ka dulmi badanna ma jirto mid beenisay Aayaadka Eebe oo ka Jeedsatay, waxaannu ku Abaal marin kuwa ka Jeedsada aayaadkanaga Cadaab Xun Jeedsigooda dartiis.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022