النساء   سورة  : An-Nisaa


سورة Sura   النساء   An-Nisaa
وَاللَّهُ يُرِيدُ أَن يَتُوبَ عَلَيْكُمْ وَيُرِيدُ الَّذِينَ يَتَّبِعُونَ الشَّهَوَاتِ أَن تَمِيلُوا مَيْلًا عَظِيمًا (27) يُرِيدُ اللَّهُ أَن يُخَفِّفَ عَنكُمْ ۚ وَخُلِقَ الْإِنسَانُ ضَعِيفًا (28) يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَأْكُلُوا أَمْوَالَكُم بَيْنَكُم بِالْبَاطِلِ إِلَّا أَن تَكُونَ تِجَارَةً عَن تَرَاضٍ مِّنكُمْ ۚ وَلَا تَقْتُلُوا أَنفُسَكُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُمْ رَحِيمًا (29) وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ عُدْوَانًا وَظُلْمًا فَسَوْفَ نُصْلِيهِ نَارًا ۚ وَكَانَ ذَٰلِكَ عَلَى اللَّهِ يَسِيرًا (30) إِن تَجْتَنِبُوا كَبَائِرَ مَا تُنْهَوْنَ عَنْهُ نُكَفِّرْ عَنكُمْ سَيِّئَاتِكُمْ وَنُدْخِلْكُم مُّدْخَلًا كَرِيمًا (31) وَلَا تَتَمَنَّوْا مَا فَضَّلَ اللَّهُ بِهِ بَعْضَكُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ ۚ لِّلرِّجَالِ نَصِيبٌ مِّمَّا اكْتَسَبُوا ۖ وَلِلنِّسَاءِ نَصِيبٌ مِّمَّا اكْتَسَبْنَ ۚ وَاسْأَلُوا اللَّهَ مِن فَضْلِهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمًا (32) وَلِكُلٍّ جَعَلْنَا مَوَالِيَ مِمَّا تَرَكَ الْوَالِدَانِ وَالْأَقْرَبُونَ ۚ وَالَّذِينَ عَقَدَتْ أَيْمَانُكُمْ فَآتُوهُمْ نَصِيبَهُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدًا (33)
الصفحة Page 83
(27) Eebe wuxuu dooni inuu idinka Toobad aqbalo waxayse dooni kuwii Raacay waxa Naftoodu Jeceshahay inaad iilataan iilasho wayn.
(28) Wuxuu dooni Eebe inuu idinka Fudeyiyo, waxaase La Abuuray Dadka isagoo tabar Yar.
(29) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha Cunina Xoolihiina dhexdiinna (Si Baadil ah) (Xaaraam ah) inay Ganacsi Raalli aad tihiin tahay mooyee, hana Dilina Naftinna, Eebe wuxuu idiinyahay Naxariistee.
(30) Cidii Fasha Arrintaas Colnimo iyo Dulmi Waxaannu galin Doonnaa Naar, Arrintaasna Eebe waa u Fududahay.
(31) Haddaad ka Dheeraataan Dambiyada waa weyn waxaan idinka Reebeynno waxaannu ka asturi Xaggiinna Xumaantiinna waxaana idin Galin Meel Fiican (Sharaf leh).
(32) Ha tamaniyina wuxuu kaga Fadilay Eebe Qaarkiin Qaar, Ragga waxaa u Sugnaaday Qayb waxay kasbadeen. Haweenkana waxaa u Sugnaaday qayb waxay kasbadeen Waydiista Eebe Fadligiisa, Eebana waxkaasta waa Ogyahay.
(33) Cid kasta waxaan u Yeellay Kuwo dhaxla waxay ka tageen Labada waalid iyo Qaraabadu iyo kuwaad Guntateen Dhaar (Isdhaarsateen) siiya Qaybtooda, (oo Gargaar ah), Eebana wax kasta waa u Marag.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022