الحشر   سورة  : Al-Hashr


سورة Sura   الحشر   Al-Hashr
فَكَانَ عَاقِبَتَهُمَا أَنَّهُمَا فِي النَّارِ خَالِدَيْنِ فِيهَا ۚ وَذَٰلِكَ جَزَاءُ الظَّالِمِينَ (17) يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اتَّقُوا اللَّهَ وَلْتَنظُرْ نَفْسٌ مَّا قَدَّمَتْ لِغَدٍ ۖ وَاتَّقُوا اللَّهَ ۚ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ (18) وَلَا تَكُونُوا كَالَّذِينَ نَسُوا اللَّهَ فَأَنسَاهُمْ أَنفُسَهُمْ ۚ أُولَٰئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ (19) لَا يَسْتَوِي أَصْحَابُ النَّارِ وَأَصْحَابُ الْجَنَّةِ ۚ أَصْحَابُ الْجَنَّةِ هُمُ الْفَائِزُونَ (20) لَوْ أَنزَلْنَا هَٰذَا الْقُرْآنَ عَلَىٰ جَبَلٍ لَّرَأَيْتَهُ خَاشِعًا مُّتَصَدِّعًا مِّنْ خَشْيَةِ اللَّهِ ۚ وَتِلْكَ الْأَمْثَالُ نَضْرِبُهَا لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ (21) هُوَ اللَّهُ الَّذِي لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ عَالِمُ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ ۖ هُوَ الرَّحْمَٰنُ الرَّحِيمُ (22) هُوَ اللَّهُ الَّذِي لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْمَلِكُ الْقُدُّوسُ السَّلَامُ الْمُؤْمِنُ الْمُهَيْمِنُ الْعَزِيزُ الْجَبَّارُ الْمُتَكَبِّرُ ۚ سُبْحَانَ اللَّهِ عَمَّا يُشْرِكُونَ (23) هُوَ اللَّهُ الْخَالِقُ الْبَارِئُ الْمُصَوِّرُ ۖ لَهُ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَىٰ ۚ يُسَبِّحُ لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۖ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ (24)
الصفحة Page 548
(17) Markaasay Labadooduba Cidhibtoodu noqon naar ay ku waaraan, daalimiintana saasaa lagu abaal mariyaa.
(18) Kuwa xaqa rumeeyey waa inay Eebe ka dhawrsadaan, Nafwalbana waa inay eegtaa waxay u hormarsatay barri (qiyaamaha) Eebena ha laga yaabo illeen wax walba waa ogyahaye.
(19) Kuwa xaqa rumeeyey waa inayan noqon sidii kuwii Eebe hilmaamay, isna markaas uu hilmaansiiyey naftooda waana kuwo faasiqiin ah (xaqa ka leexday).
(20) Ma eka Ahlu naarka iyo Ahlu Jannaha, Ahlu Jannuhu waa kuwa liibaanay.
(21) Haddii quraankan Eebe Buur ku dejiyo (kula hadlo) waxaad arki lahayd Buurtii oo khushuucsan oo dillaaci cabsi Eebe darteed, saasaa Eebe mataallo ugu sheega dadka inay fikiraan darteed.
(22) Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro, waxa maqan iyo waxa joogaba waa ogyahay, waana kan naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.
(23) Ilaahay isaga mooyee Eebe kale ma jiro, waa Xaakim Daahir ah, nabadgeliye, rumeeye, wax walbana ilaaliye xoog iyo wenaan isagaa leh, waana ka nasahanyahay waxay Cibaadada la wadaajinayaan.
(24) Eebe waa kan wax abuura ee ahaysiiya sawirana, Magacyo fiicanna wuu leeyahay waxaana Eebe u tasbiixsada (weyneeya) waxa Cirka iyo dhulka ku sugan, waana adkaade falame.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022