المائدة   سورة  : Al-Maaida


سورة Sura   المائدة   Al-Maaida
وَإِذَا نَادَيْتُمْ إِلَى الصَّلَاةِ اتَّخَذُوهَا هُزُوًا وَلَعِبًا ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَوْمٌ لَّا يَعْقِلُونَ (58) قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ هَلْ تَنقِمُونَ مِنَّا إِلَّا أَنْ آمَنَّا بِاللَّهِ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْنَا وَمَا أُنزِلَ مِن قَبْلُ وَأَنَّ أَكْثَرَكُمْ فَاسِقُونَ (59) قُلْ هَلْ أُنَبِّئُكُم بِشَرٍّ مِّن ذَٰلِكَ مَثُوبَةً عِندَ اللَّهِ ۚ مَن لَّعَنَهُ اللَّهُ وَغَضِبَ عَلَيْهِ وَجَعَلَ مِنْهُمُ الْقِرَدَةَ وَالْخَنَازِيرَ وَعَبَدَ الطَّاغُوتَ ۚ أُولَٰئِكَ شَرٌّ مَّكَانًا وَأَضَلُّ عَن سَوَاءِ السَّبِيلِ (60) وَإِذَا جَاءُوكُمْ قَالُوا آمَنَّا وَقَد دَّخَلُوا بِالْكُفْرِ وَهُمْ قَدْ خَرَجُوا بِهِ ۚ وَاللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا كَانُوا يَكْتُمُونَ (61) وَتَرَىٰ كَثِيرًا مِّنْهُمْ يُسَارِعُونَ فِي الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَأَكْلِهِمُ السُّحْتَ ۚ لَبِئْسَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (62) لَوْلَا يَنْهَاهُمُ الرَّبَّانِيُّونَ وَالْأَحْبَارُ عَن قَوْلِهِمُ الْإِثْمَ وَأَكْلِهِمُ السُّحْتَ ۚ لَبِئْسَ مَا كَانُوا يَصْنَعُونَ (63) وَقَالَتِ الْيَهُودُ يَدُ اللَّهِ مَغْلُولَةٌ ۚ غُلَّتْ أَيْدِيهِمْ وَلُعِنُوا بِمَا قَالُوا ۘ بَلْ يَدَاهُ مَبْسُوطَتَانِ يُنفِقُ كَيْفَ يَشَاءُ ۚ وَلَيَزِيدَنَّ كَثِيرًا مِّنْهُم مَّا أُنزِلَ إِلَيْكَ مِن رَّبِّكَ طُغْيَانًا وَكُفْرًا ۚ وَأَلْقَيْنَا بَيْنَهُمُ الْعَدَاوَةَ وَالْبَغْضَاءَ إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ ۚ كُلَّمَا أَوْقَدُوا نَارًا لِّلْحَرْبِ أَطْفَأَهَا اللَّهُ ۚ وَيَسْعَوْنَ فِي الْأَرْضِ فَسَادًا ۚ وَاللَّهُ لَا يُحِبُّ الْمُفْسِدِينَ (64)
الصفحة Page 118
(58) Markaad ugu Dhawaaqdaan Salaaddana waxay ka Yeeshaan Jees Jees iyo Ciyaar, waxaana Arrintaas ugu Wacan inay Yihiin Qoomaan waxkasayn.
(59) Waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabow Miyaad Noogu Cadhoonaysaan inaan Rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo Dejiyey iyo wixii la Dajiyey horay Mooyee, Badankiinnu waa Faasiqiin.
(60) Waxaad Dhahdaa maydinka warramaa waxa ka Sharbadan Arrintaas abaal Marinta Eebe Agtiisa waa mid Eebe Nacladay una Cadhooday kana Yeelay Daanyeerro, Doofaarro iyo Shaydaan Caabude, Kuwaasay Shar badantahay Meejoodu kana Dhumid Badan Jidka Toosan.
(61) Hadday idiin Yimaaddaan waxay Dhahaan waan Rumaynay (Xaga) iyagoo la soo Galay Gaalnimo, lana Baxay, Eebana waa Ogyahay waxay Qarin,
(62) Waxaad Arkaysaa wax Badan oo ka mid ah oo u degdegi dambiga iyo Colnimada iyo cunidda Xaaraanta, waxaa Xumaan badan waxay Fali.
(63) May ka Reebaan Ikhyaartu iyo culimadu hakalkooda dambiga ah iyo Cunidda Xaaraanta, waxaa Xumaan badan waxay Samayn.
(64) Waxay Tidhi Yuhuuddu Gacanta Eebe waa Laabantahay, ha lallaabo Gaemahoodu hana La naclado hadalkay Dheheen Dartiis, saas ma aha ee waxay ku Fidsanyihiin Khayrka (Deeq badane) wuxuuna u Nafaqeeyaa Siduu Doono, wuxuuna u Kordhin wax badan oo iyaga ka mid ah waxa lagaaga soo Dejiyey Eebahaa Xad Gudub iyo Gaalnimo, waxaana ku Dhex tuuray Col iyo Cadho tan iyo Qiyaame, mar kastooy huriyaan dab Dagaalna waxaa bakhtiiya Eebe, waxayna la Soedaan Dhulka Fasaad, ILaahayna ma Jeela kuwa wax Fasaadiya.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022