التكاثر   سورة  : At-Takaathur


سورة Sura   التكاثر   At-Takaathur
الصفحة Page 600
(10) Laabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo.
(11) In Eebohood Maalintaas ogyahay.
القارعة Al-Qaari'a
(1) Qaaricada (qalbiga garaacda).
(2) Qaarica maxay tahay.
(3) Mase taqaannaa Qaarico.
(4) Waa Maalinta Dadku noqon sida Baalallay.
(5) Buuruhuna ay noqon sida Suuf kala firdhay.
(6) Ruuxiise miisaankiisa (fiican) cuslaado.
(7) Wuxuu ku noolaan nolol raalli ah.
(8) Ruuxiise uu fududaado Miisaankiisa (fiican).
(9) Wuxuu u hoydaa (Naarta) Haawiya.
(10) Ma taqaannaa Haawiya.
(11) Waa Naar kulayl daran.
التكاثر At-Takaathur
(1) Waxaa idin shuqliyay Dadow wax badsasho (iyo isu faanid),
(2) Intaad Xabaalaha ka tagtaan (dhimataan).
(3) Saas ma aha ee waad ogaandoontaan.
(4) Haddana saas ma ehee waad ogaandoontaan (Faanka cidhibtiisa).
(5) Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin (Waad dayn lahaydeen xumaanta).
(6) Dhab ahaan baad u arkaysaan (Naarta) Jaxiima,
(7) Ka dibna waxaad u arkaysaan Nartaas si yaqiin ah.
(8) Waxaana laydin warsan Maalintaas Nicmadii.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022