التغابن   سورة  : At-Taghaabun


سورة Sura   التغابن   At-Taghaabun
وَالَّذِينَ كَفَرُوا وَكَذَّبُوا بِآيَاتِنَا أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ خَالِدِينَ فِيهَا ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ (10) مَا أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّهِ ۗ وَمَن يُؤْمِن بِاللَّهِ يَهْدِ قَلْبَهُ ۚ وَاللَّهُ بِكُلِّ شَيْءٍ عَلِيمٌ (11) وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ ۚ فَإِن تَوَلَّيْتُمْ فَإِنَّمَا عَلَىٰ رَسُولِنَا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ (12) اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ۚ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ (13) يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّ مِنْ أَزْوَاجِكُمْ وَأَوْلَادِكُمْ عَدُوًّا لَّكُمْ فَاحْذَرُوهُمْ ۚ وَإِن تَعْفُوا وَتَصْفَحُوا وَتَغْفِرُوا فَإِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (14) إِنَّمَا أَمْوَالُكُمْ وَأَوْلَادُكُمْ فِتْنَةٌ ۚ وَاللَّهُ عِندَهُ أَجْرٌ عَظِيمٌ (15) فَاتَّقُوا اللَّهَ مَا اسْتَطَعْتُمْ وَاسْمَعُوا وَأَطِيعُوا وَأَنفِقُوا خَيْرًا لِّأَنفُسِكُمْ ۗ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ (16) إِن تُقْرِضُوا اللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا يُضَاعِفْهُ لَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ۚ وَاللَّهُ شَكُورٌ حَلِيمٌ (17) عَالِمُ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ الْعَزِيزُ الْحَكِيمُ (18)
الصفحة Page 557
(10) kuwa gaaloobayse beeniyeyna Aayaadka Eebe waa kuwa Ahlu Naar ah waxayna ku waari dhexdeeda, meel loo ahaadana iyadaa u xun.
(11) Wixii Musiiba ah (dhib ah) oo dhaca waa idinka Eebe, ruuxiise Eebe rumeeya waxaa hanuuni (oo xasili) qalbigiisa, Eebana wax walba waa ogyahay.
(12) Eebe adeeca Rasuulkiisana adeeca, haddaadse jeedsataan (xaqa diidaan) waxaa Rasuulka saaran uun inuu si cad wax u gaargiiyo.
(13) Eebe mooyee Ilaah kale ma jiro, isaga uunna ha tala saarteen Mu'miniintu.
(14) Kuwa xaqa rumeeyow Haweenkiinna iyo Caruurtiina waxaa ka mid ah kuwo Col idiin ah ee ka digtoonaada, haddaadse iska cafidaan saamaxdaanna Eebe waa dambi dhaafe naxariiste ah.
(15) Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu waa uun fidno (ibtilo) Eebe agtiisaase ajir weyn (ku sugan yahay).
(16) Eebe ka dhawrsada intaad kartaan, maqla oo adeecana (weyneeya), waxna baxsada, ruuxii laga dhawro bakhaylnimada naftiisa waa liibaanay.
(17) haddaad Eebe amaah fiican amaahsataan (wax sadaqaysataan) Eebe waa idiin laab laabi, dambigiinana wuu dhaafi, Eebana waa kan la mahadiyo ee ee dusha san.
(18) waxa maqan iyo waxa joogaba Eebe wa ogyahay waana adkaade Falsan.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022