التوبة   سورة  : At-Tawba


سورة Sura   التوبة   At-Tawba
وَالسَّابِقُونَ الْأَوَّلُونَ مِنَ الْمُهَاجِرِينَ وَالْأَنصَارِ وَالَّذِينَ اتَّبَعُوهُم بِإِحْسَانٍ رَّضِيَ اللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ وَأَعَدَّ لَهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي تَحْتَهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا ۚ ذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ (100) وَمِمَّنْ حَوْلَكُم مِّنَ الْأَعْرَابِ مُنَافِقُونَ ۖ وَمِنْ أَهْلِ الْمَدِينَةِ ۖ مَرَدُوا عَلَى النِّفَاقِ لَا تَعْلَمُهُمْ ۖ نَحْنُ نَعْلَمُهُمْ ۚ سَنُعَذِّبُهُم مَّرَّتَيْنِ ثُمَّ يُرَدُّونَ إِلَىٰ عَذَابٍ عَظِيمٍ (101) وَآخَرُونَ اعْتَرَفُوا بِذُنُوبِهِمْ خَلَطُوا عَمَلًا صَالِحًا وَآخَرَ سَيِّئًا عَسَى اللَّهُ أَن يَتُوبَ عَلَيْهِمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (102) خُذْ مِنْ أَمْوَالِهِمْ صَدَقَةً تُطَهِّرُهُمْ وَتُزَكِّيهِم بِهَا وَصَلِّ عَلَيْهِمْ ۖ إِنَّ صَلَاتَكَ سَكَنٌ لَّهُمْ ۗ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ (103) أَلَمْ يَعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ هُوَ يَقْبَلُ التَّوْبَةَ عَنْ عِبَادِهِ وَيَأْخُذُ الصَّدَقَاتِ وَأَنَّ اللَّهَ هُوَ التَّوَّابُ الرَّحِيمُ (104) وَقُلِ اعْمَلُوا فَسَيَرَى اللَّهُ عَمَلَكُمْ وَرَسُولُهُ وَالْمُؤْمِنُونَ ۖ وَسَتُرَدُّونَ إِلَىٰ عَالِمِ الْغَيْبِ وَالشَّهَادَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ (105) وَآخَرُونَ مُرْجَوْنَ لِأَمْرِ اللَّهِ إِمَّا يُعَذِّبُهُمْ وَإِمَّا يَتُوبُ عَلَيْهِمْ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ (106)
الصفحة Page 203
(100) kuwii ku dheereeyey «khayrka» ee horreeyey oo ka mida Muhaajiriinta iyo Ansaar iyo kuwii ku raacay wanaagga Eebaa ka raalli noqday iyana way ka raalli noqdeen, wuxuuna u darbay Jannooyin ay socoto dhexdeeda Wabiyadii iyagoo ku waari waligood, taasina waa Liibaan wayn.
(101) gaararkiinna waxaa ka mida reebaadiye Munaafiqiina, Reer Madiinana (waa kamid) waxay ku madax taageen munaafaqnimo, ma ogidin annagaase og, waxaannu cadaabi Labo jeer, markaasaa loo celin cadaab wayn.
(102) kuwo kalana waxay qirteen Dambigooda, waxayna isku khaldeen Camal fiican iyo mid kale oo xun, Eebe wuxuu mudanyahay inuu ka toobad aqbalo, illeen Eebe waa Dambi dhaafe naxariista.
(103) Ka qaad xoolahooda Xagooda sadaqo (zakada) ood ku daahirin kuna Nadiifin una ducee illeen Ducadaadu Waxay u noqon Xasile, Eebana waa maqle og.
(104) Miyayna Ogayn in Eebe ka aqbalo Toobadda Addoomadiisa Kana qaado Sadaqada (Aqbalo) iyo in Eebe yahay kan toobad aqbalka Badan ee Naxariista.
(105) Waxaad dhahdaa Camal fala wuu arki Eebe Camalkiinna iyo Rasuulkiisu iyo mu'miniintu Waxaana La idiin celin xagga (Eebaha) og Waxa maqan iyo waxa Jooga idiinkana Warrami (abaalmarin) waxaad falayseen.
(106) Kuwo kalana waxaa dib loogu dhigay amarka Eebe inuu Cadaabo iyo inuu Ka toobad aqbalo, Eebana waa oge Falsan.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022