النساء   سورة  : An-Nisaa


سورة Sura   النساء   An-Nisaa
أُولَٰئِكَ الَّذِينَ لَعَنَهُمُ اللَّهُ ۖ وَمَن يَلْعَنِ اللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُ نَصِيرًا (52) أَمْ لَهُمْ نَصِيبٌ مِّنَ الْمُلْكِ فَإِذًا لَّا يُؤْتُونَ النَّاسَ نَقِيرًا (53) أَمْ يَحْسُدُونَ النَّاسَ عَلَىٰ مَا آتَاهُمُ اللَّهُ مِن فَضْلِهِ ۖ فَقَدْ آتَيْنَا آلَ إِبْرَاهِيمَ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَآتَيْنَاهُم مُّلْكًا عَظِيمًا (54) فَمِنْهُم مَّنْ آمَنَ بِهِ وَمِنْهُم مَّن صَدَّ عَنْهُ ۚ وَكَفَىٰ بِجَهَنَّمَ سَعِيرًا (55) إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِنَا سَوْفَ نُصْلِيهِمْ نَارًا كُلَّمَا نَضِجَتْ جُلُودُهُم بَدَّلْنَاهُمْ جُلُودًا غَيْرَهَا لِيَذُوقُوا الْعَذَابَ ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَزِيزًا حَكِيمًا (56) وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ سَنُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا ۖ لَّهُمْ فِيهَا أَزْوَاجٌ مُّطَهَّرَةٌ ۖ وَنُدْخِلُهُمْ ظِلًّا ظَلِيلًا (57) ۞ إِنَّ اللَّهَ يَأْمُرُكُمْ أَن تُؤَدُّوا الْأَمَانَاتِ إِلَىٰ أَهْلِهَا وَإِذَا حَكَمْتُم بَيْنَ النَّاسِ أَن تَحْكُمُوا بِالْعَدْلِ ۚ إِنَّ اللَّهَ نِعِمَّا يَعِظُكُم بِهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ سَمِيعًا بَصِيرًا (58) يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَطِيعُوا اللَّهَ وَأَطِيعُوا الرَّسُولَ وَأُولِي الْأَمْرِ مِنكُمْ ۖ فَإِن تَنَازَعْتُمْ فِي شَيْءٍ فَرُدُّوهُ إِلَى اللَّهِ وَالرَّسُولِ إِن كُنتُمْ تُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌ وَأَحْسَنُ تَأْوِيلًا (59)
الصفحة Page 87
(52) Kuwaas waa kuwuu Nacladay Eebe, Cid Eebe Nacladayna uma heshid Gargaare.
(53) Mise waxay leeyihiin Qayb Xukunka oo markaas ayan siinayn Dadka Laf Timir Duleelkeed (wax buuxiya).
(54) Mise waxay ku Xasdi Dadka waxa Eebe Siiyey oo Fadli ah, waxaan Siinay Ehelkii Ibraahiim Kitaabka iyo Xigmad, waxaana siinay Xukun Wayn.
(55) Waxaase ka mid noqday mid Rumeeya (Xaqa) waxaana ka mid ah mid ka Jeediya Xaqa, waxaa ugu Filan Jahannamo Gubid.
(56) Kuwii ka Gaaloobay Aayaadkanaga waxaanu Galin Naarta, mar kastoos gubto Haragoodu waxaan ku badalnaa harko kale si ay u Dhadhamiyaan Cadaabka, Eebana waa Adkaade Falsan.
(57) Kuwa Rumeeyey (Xaqa) oo falay Camal Fiican waxaan galinaynaa Jannooyin ay Dareeri Dhexdeeda Wabiyaal, oyna ku waari Dhexdeeda Waligood, waxayna ku mudan haween la Daahiriyey waxaana Galinaynaa Hoos Fiican.
(58) Eebe wuxuu idin Fari inaad u Gudaan (siisaan) Amaanada Ehelkeeda, (Ciddeeda) haddaad kala Xukumaysaan Dadkana inaad ku kala Xukuntaan Caddaalad, Eebe waxaa Wanaagsan wuu idinku waanin Eebana waa Maqle Arka.
(59) Kuwa (Xaqa) Rumeeyow Adeeca Eebe oo Adeeca Rasuulka iyo kuwa Amarka leh, oo idinka mid ah, haddaad ku Dooddaan Arrin u Celiya Eebe iyo Rasuulka haddaad tihiin kuwo Rumeeyey Eebe iyo Maalinta Dambe (Qiyaamada) saasaana khayr roon oo Wanaag badan Xagga Abaalmarinta.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022