المنافقون   سورة  : Al-Munaafiqoon


سورة Sura   المنافقون   Al-Munaafiqoon
وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ تَعَالَوْا يَسْتَغْفِرْ لَكُمْ رَسُولُ اللَّهِ لَوَّوْا رُءُوسَهُمْ وَرَأَيْتَهُمْ يَصُدُّونَ وَهُم مُّسْتَكْبِرُونَ (5) سَوَاءٌ عَلَيْهِمْ أَسْتَغْفَرْتَ لَهُمْ أَمْ لَمْ تَسْتَغْفِرْ لَهُمْ لَن يَغْفِرَ اللَّهُ لَهُمْ ۚ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الْفَاسِقِينَ (6) هُمُ الَّذِينَ يَقُولُونَ لَا تُنفِقُوا عَلَىٰ مَنْ عِندَ رَسُولِ اللَّهِ حَتَّىٰ يَنفَضُّوا ۗ وَلِلَّهِ خَزَائِنُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ وَلَٰكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لَا يَفْقَهُونَ (7) يَقُولُونَ لَئِن رَّجَعْنَا إِلَى الْمَدِينَةِ لَيُخْرِجَنَّ الْأَعَزُّ مِنْهَا الْأَذَلَّ ۚ وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَٰكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لَا يَعْلَمُونَ (8) يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تُلْهِكُمْ أَمْوَالُكُمْ وَلَا أَوْلَادُكُمْ عَن ذِكْرِ اللَّهِ ۚ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْخَاسِرُونَ (9) وَأَنفِقُوا مِن مَّا رَزَقْنَاكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِيَ أَحَدَكُمُ الْمَوْتُ فَيَقُولَ رَبِّ لَوْلَا أَخَّرْتَنِي إِلَىٰ أَجَلٍ قَرِيبٍ فَأَصَّدَّقَ وَأَكُن مِّنَ الصَّالِحِينَ (10) وَلَن يُؤَخِّرَ اللَّهُ نَفْسًا إِذَا جَاءَ أَجَلُهَا ۚ وَاللَّهُ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ (11)
الصفحة Page 555
(5) Marka lagu dhaho Munaafiqiinta kaalaya ha idiin dambi dhaaf weydiiye Rasuulka Eebe waxay ruxaan Madaxa (diico darteed) waxaad aragtaa iyagoo jeedsan oo iskibrin.
(6) Waa isku mid haddaad u dambi dhaaf weydiisid (Nabiyow) iyo haddii kale, marnaba Eebe u dambi dhaafi mahayo, maxaa yeelay Eebe ma hanuuniyo dad Faasiqiin ah.
(7) Waa kuwa dhihi (Munaafiqiintu) ha quudinina kuwa Rasuulka la jooga intay ka kala tagaan, Eebaa iska leh khasnadaha Samaawaatka iyo Dhulka, haseyeeshee Munaafiqiintu ma fahansana.
(8) Munaafiqiintu waa kuwa dhihi haddaan Madiino u noqonno waa in kuwa tabarta lihi ka bixiyaan Magaalada kuwa dullaysan, tabar iyo Sharaf Eebaa iska leh Rasuulkiisa iyo Mu'miniinta, haseyeeshee Munaafiqiintu ma oga.
(9) Kuwa xaqa rumeeyow yaanay idin ka shuqlinin Xoolihiinnu iyo Caruurtiinnu xuska Eebe (daacaddiisa) Ciddii saas fashaana waa mid khasaartay.
(10) Bixiyana wax ka mid ah waxa Eebe idinku arsuqay geerida horteeda oo markaas uu yiraahdo (ruuxaan wax baxsan) Eebow maad muddo dhow dib ii dhigtid oon sadaqaysto kuwa suubanna aan ka mid noqdee.
(11) Naf malageed galayna Eebe dib uma dhigo, Ilaahayna waa ogyahay waxaad Camal falaysaan.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022