(141) Iyo inuu Imtixaamo kuwa rumeeyey Tirtirana Gaalada.
(142) Ma waxaad u Maleyseen inaad Galayssaan Jannada isagoon Muujinin Eebe kuwa Jahaaday oo idinka mid ah oosan Muujinin kuwa Samra.
(143) Dhab ahaan waxxad u ahaydeen kuwa jecel Geerida ka hor la kulankeeda, waadna aragteen Geeridii idinkoo Fiirin.
(144) «Nabi» Muxamadna ma aha waxaan Rasuul ahayn, waxaa Tagey hortiis Rasuullo, cc hadduu Dhinto ama La dilo ma waxaad u gaddoomaysaan Cidhibtiinii (Dib), Ruuxii U gadooma Cidhibtiisii (Gaalooba) kama Dhibo Eebe waxba, wuuna Abaal marin kuwa ku Shukriya.
(145) Nafna ma aha tii Dhimata Idanka Eebe la'aantiis waa Kitaab Muddeysan, Ruuxii Doona Abaalka Adduunyo waxbaan ka siineynaa, ruuxii doona Abaalka Aakhirana Waxbaan Ka Siinaa, Waxaana Abaal marin kuwa Shukriya.
(146) Imisa Nabi la Dilay ooy la Jireen culimo Dagaallami oo Badan, oyna Cabsanin wax ku Dhacay Jidka Eebe Dartiis, Tabarna yareynin, Dulloobinna, Eebana waa jecelyahay kuwa Samra.
(147) Mana aha Hadalkoodu waxaan ahayn Eebow nooDhhaf Dambigannaga iyo Xadgudubkanaga Amarkanaga, Sugna Gornadahanaga noogana Gargaar Qoomka Gaalada ah.
(148) Markaasuu Siiyey Eebe Abaalka Adduunyo iyo Wanaagga Abaalka Aakhiro, Eebana wuxuu Jecelyahay Samafalayaasha.