الحجر   سورة  : Al-Hijr


سورة Sura   الحجر   Al-Hijr
الحجر Al-Hijr
الر ۚ تِلْكَ آيَاتُ الْكِتَابِ وَقُرْآنٍ مُّبِينٍ (1) رُّبَمَا يَوَدُّ الَّذِينَ كَفَرُوا لَوْ كَانُوا مُسْلِمِينَ (2) ذَرْهُمْ يَأْكُلُوا وَيَتَمَتَّعُوا وَيُلْهِهِمُ الْأَمَلُ ۖ فَسَوْفَ يَعْلَمُونَ (3) وَمَا أَهْلَكْنَا مِن قَرْيَةٍ إِلَّا وَلَهَا كِتَابٌ مَّعْلُومٌ (4) مَّا تَسْبِقُ مِنْ أُمَّةٍ أَجَلَهَا وَمَا يَسْتَأْخِرُونَ (5) وَقَالُوا يَا أَيُّهَا الَّذِي نُزِّلَ عَلَيْهِ الذِّكْرُ إِنَّكَ لَمَجْنُونٌ (6) لَّوْ مَا تَأْتِينَا بِالْمَلَائِكَةِ إِن كُنتَ مِنَ الصَّادِقِينَ (7) مَا نُنَزِّلُ الْمَلَائِكَةَ إِلَّا بِالْحَقِّ وَمَا كَانُوا إِذًا مُّنظَرِينَ (8) إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ (9) وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ فِي شِيَعِ الْأَوَّلِينَ (10) وَمَا يَأْتِيهِم مِّن رَّسُولٍ إِلَّا كَانُوا بِهِ يَسْتَهْزِئُونَ (11) كَذَٰلِكَ نَسْلُكُهُ فِي قُلُوبِ الْمُجْرِمِينَ (12) لَا يُؤْمِنُونَ بِهِ ۖ وَقَدْ خَلَتْ سُنَّةُ الْأَوَّلِينَ (13) وَلَوْ فَتَحْنَا عَلَيْهِم بَابًا مِّنَ السَّمَاءِ فَظَلُّوا فِيهِ يَعْرُجُونَ (14) لَقَالُوا إِنَّمَا سُكِّرَتْ أَبْصَارُنَا بَلْ نَحْنُ قَوْمٌ مَّسْحُورُونَ (15)
الصفحة Page 262
الحجر Al-Hijr
(1) Xarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad.
(2) Wax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii).
(3) ka tag ha cuneen hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo way ogaan doonaane,
(4) Magaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la yaqaanno.
(5) Kamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto.
(6) Waxay dhaheen kan Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay.
(7) Maad malaa'ig noo keentid haddaad run Sheegi.
(8) Umana soo Dehinno Malaa'igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas).
(9) Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri.
(10) waxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore.
(11) Rasuul kasta oo u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa.
(12) saasaana u galinaa (Gaalnimada) quluubta dambiilayaasha.
(13) mana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey.
(14) haddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora
(15) waxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022