الفجر   سورة  : Al-Fajr


سورة Sura   الفجر   Al-Fajr
الفجر Al-Fajr
وَالْفَجْرِ (1) وَلَيَالٍ عَشْرٍ (2) وَالشَّفْعِ وَالْوَتْرِ (3) وَاللَّيْلِ إِذَا يَسْرِ (4) هَلْ فِي ذَٰلِكَ قَسَمٌ لِّذِي حِجْرٍ (5) أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِعَادٍ (6) إِرَمَ ذَاتِ الْعِمَادِ (7) الَّتِي لَمْ يُخْلَقْ مِثْلُهَا فِي الْبِلَادِ (8) وَثَمُودَ الَّذِينَ جَابُوا الصَّخْرَ بِالْوَادِ (9) وَفِرْعَوْنَ ذِي الْأَوْتَادِ (10) الَّذِينَ طَغَوْا فِي الْبِلَادِ (11) فَأَكْثَرُوا فِيهَا الْفَسَادَ (12) فَصَبَّ عَلَيْهِمْ رَبُّكَ سَوْطَ عَذَابٍ (13) إِنَّ رَبَّكَ لَبِالْمِرْصَادِ (14) فَأَمَّا الْإِنسَانُ إِذَا مَا ابْتَلَاهُ رَبُّهُ فَأَكْرَمَهُ وَنَعَّمَهُ فَيَقُولُ رَبِّي أَكْرَمَنِ (15) وَأَمَّا إِذَا مَا ابْتَلَاهُ فَقَدَرَ عَلَيْهِ رِزْقَهُ فَيَقُولُ رَبِّي أَهَانَنِ (16) كَلَّا ۖ بَل لَّا تُكْرِمُونَ الْيَتِيمَ (17) وَلَا تَحَاضُّونَ عَلَىٰ طَعَامِ الْمِسْكِينِ (18) وَتَأْكُلُونَ التُّرَاثَ أَكْلًا لَّمًّا (19) وَتُحِبُّونَ الْمَالَ حُبًّا جَمًّا (20) كَلَّا إِذَا دُكَّتِ الْأَرْضُ دَكًّا دَكًّا (21) وَجَاءَ رَبُّكَ وَالْمَلَكُ صَفًّا صَفًّا (22) وَجِيءَ يَوْمَئِذٍ بِجَهَنَّمَ ۚ يَوْمَئِذٍ يَتَذَكَّرُ الْإِنسَانُ وَأَنَّىٰ لَهُ الذِّكْرَىٰ (23)
الصفحة Page 593
الفجر Al-Fajr
(1) Eebe wuxuu ku dhaartay Waabariga.
(2) Iyo Habenanada Tobanka ah (Arrafo).
(3) Iyo Tirada siman iyo tan is dheer.
(4) Iyo Habeenku markuu tagayu.
(5) Miyayna arrintaasu ahayn wax loogu dhaarto Qof caqli leh.
(6) Ma ku soo Gaadhay sida Eebahaa ku falay Caad.
(7) Ee ahaa Irama xooggana lahaa.
(8) Wax la mid ahna aan iugu abuurin dhulka.
(9) Iyo Thamuud-kii ahaa dhagaxa kuwa ku jarjara Waadiga.
(10) lyo Fircoonkii dhakawyada lahaa.
(11) kuwiina ahaa ku xadgudbay dhulka.
(12) 12 Kuna badiyay dhexdiisa fassaadka.
(13) Markaasaana Eeba ku shubay Caddibaad daran.
(14) Maxaayeelay Eebe waa u darbanyahay (abaalmarinta).
(15) Marks Eebe Dadka imtixaano xoolana ugu nicmeeyo wuxuu dhihi (kan xun) waa lai sharrifay (isagoo faani).
(16) Haddiise Eebe imtixaano oo Xoolaha ku yareeyo wuxuu dhihi Eebaa i dulleeyay.
(17) Saas ma aha ee waxaydaan dhaqaalaynayn Agoonka.
(18) Mana fartaan in masaakiinta wax la siiyo.
(19) Waxaadna aad u cuntaan dhaxal xaq darro.
(20) Xoolahana waxaad u jeceshihiin si daran.
(21) Saas ma aha ee marka dhulka la burburiyo.
(22) Eebe iyo Malaguna la yimaaddo amarkiisa Malaa'igtoo safan.
(23) Naarta Jahannamana Maalintaas la keeno, Dadku waxay xusuusan waxay faleen, Maxayse xusuusi tari.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022