الأنعام   سورة  : Al-An'aam


سورة Sura   الأنعام   Al-An'aam
۞ وَلَوْ أَنَّنَا نَزَّلْنَا إِلَيْهِمُ الْمَلَائِكَةَ وَكَلَّمَهُمُ الْمَوْتَىٰ وَحَشَرْنَا عَلَيْهِمْ كُلَّ شَيْءٍ قُبُلًا مَّا كَانُوا لِيُؤْمِنُوا إِلَّا أَن يَشَاءَ اللَّهُ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ يَجْهَلُونَ (111) وَكَذَٰلِكَ جَعَلْنَا لِكُلِّ نَبِيٍّ عَدُوًّا شَيَاطِينَ الْإِنسِ وَالْجِنِّ يُوحِي بَعْضُهُمْ إِلَىٰ بَعْضٍ زُخْرُفَ الْقَوْلِ غُرُورًا ۚ وَلَوْ شَاءَ رَبُّكَ مَا فَعَلُوهُ ۖ فَذَرْهُمْ وَمَا يَفْتَرُونَ (112) وَلِتَصْغَىٰ إِلَيْهِ أَفْئِدَةُ الَّذِينَ لَا يُؤْمِنُونَ بِالْآخِرَةِ وَلِيَرْضَوْهُ وَلِيَقْتَرِفُوا مَا هُم مُّقْتَرِفُونَ (113) أَفَغَيْرَ اللَّهِ أَبْتَغِي حَكَمًا وَهُوَ الَّذِي أَنزَلَ إِلَيْكُمُ الْكِتَابَ مُفَصَّلًا ۚ وَالَّذِينَ آتَيْنَاهُمُ الْكِتَابَ يَعْلَمُونَ أَنَّهُ مُنَزَّلٌ مِّن رَّبِّكَ بِالْحَقِّ ۖ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْمُمْتَرِينَ (114) وَتَمَّتْ كَلِمَتُ رَبِّكَ صِدْقًا وَعَدْلًا ۚ لَّا مُبَدِّلَ لِكَلِمَاتِهِ ۚ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (115) وَإِن تُطِعْ أَكْثَرَ مَن فِي الْأَرْضِ يُضِلُّوكَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ ۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ وَإِنْ هُمْ إِلَّا يَخْرُصُونَ (116) إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ مَن يَضِلُّ عَن سَبِيلِهِ ۖ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ (117) فَكُلُوا مِمَّا ذُكِرَ اسْمُ اللَّهِ عَلَيْهِ إِن كُنتُم بِآيَاتِهِ مُؤْمِنِينَ (118)
الصفحة Page 142
(111) Haddaan ku soo Dejinno Malaa'ig oo Dadkii Dhintay la Hadlo oon wax kasta Hortooda ku soo Kulminno, mayna rumeeyeen in Eebe doono mooyee, Hase Yeeshee Badankood waa Jaahiliin.
(112) Saasaan ugu Yeellay Nabi Kasta Col Shaydaan Insi iyo Jinniba leh, oo Qarkood qaarka kale u Waxyoon (Sheegi) Hadal la Dhoob-Dhoobay Dhumin Darteed. Hadduu Eebe Doonana mayna Faleen ee Iskaga Tag iyaga iyo waxay Been-Abuuran.
(113) Iyo in ay Maqasho Quluubta Kuwaan Rumayn Aakhiro, iyo Inay ka Raalli Noqdaan, iyo inay Kashadaan waxay Guranayeen.
(114) Ma Diinta Eebe waxaan ahayn yaan u Dooni Xaakim Isagoo idiin soo Dejiyey Kitaabka oo la Caddeeyey kuwaan Siinay Kitaabka waxay Ogyihiin in Quraanka laga soo Dejiyey Xagga Eebahaa ee ha Noqonin kuwa Shakiya.
(115) Waxay ku Taam Noqotay Kalimooyinka Eebahaa run iyo Caddaalad wax Badali Kalimooyinka Eebana ma jiro, Eebana waa Maqle og.
(116) Haddaad Maqashid waxa Dhulka ku Sugan Badankooda waxay kaa Dhumin Jidka Eebe, mana Raacayaan waxaan Malo ahayn waana Beenaalayaal.
(117) Eebahaa yaa og Cidda ka Dhumi Jidkiisa, Isagaan og Cidda Hanuunsan.
(118) Ee Cuna waxa Magaca Eebe lagu Xusay Haddaad Aayadkiisa Rumaynasaan.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022