(158) Haddaad Dhimataan ama laydin Dilo Xagga Eebe umbaa laydiin Celin.
(159) Naxariista Eebe Darteed yaad ugu Jilicday haddaadse tahay Mid Ingagan oo Qalbi Adag way kaakala tagi lahaayeen Gaararkaada, ee iska Cafi una Dambi Dhaaf warso kalana Tasho Amarka, markaas haddaad wax goosatana talo saaro Eebe (K u Dhaqaaq), Eebe wuxuu Jecelyahay kuwa Tala Saartee.
(160) Hadduu idin Gargaaro Eebe wax idiinka Adkaan ma jiro Hadduu idin Hoojiyana waa Kuma kan idiin Gar- gaari Gadaashiis, Eebe uun ha Tala Saarteen Mu'miniintu.
(161) Kama suurowdo Nabi inuu wax Khayaamo, Ruuxii wax Khayaama wuu la Imaan wuxuu Khayaamay Maalinta Qiyaame, markaas waxaa loo Oofin (Dhamayn) Nafkasta waxay Kashatay Lagamana dulmiyo.
(162) Ruux Raacay Raalli ahaanshaha Eebe ma la mid Baa Ruux la noqday Cadho Eebe Hoygiisuna yahay Jahannamo iyadaana U xun meel loo Noqdo.
(163) Iyagu waa Darajaad Eebe agtiisa, Eebana waa Arkaa waxay Fali.
(164) Dhab abaanbuu ugu Manaystay Eebe Mu'miniinta markuu ka Bixiyey Dhexdooda Rasuul Naftooda ka mid ah kuna Akhriyi Korkooda Aayaadkiisa Daahirinna Barina Kitaabka (Quraanka) iyo Xigmada (Sunada Nabiga) waxayna ahaayeen Horay Baadi Cad.
(165) Hadday idin Adiibtay (idinku Dhaeday) Dhibaato waxaad Asiibteen Laba Jibaarkeed (Badar) waxaad dhahdeen xaggee Nooga yimid (Dhibku) waxaad dhahdaa Agta Naftiinna, Eebana wax kasta wuu karaa.