(23) Ma aragtay (ka waran) kuwii la siiyey Qayb ka mid ah Kitaabka oo loogu yeedhi Kitaabka Eebe inuu kala xukurno dhexdooda markaas ay jeedsan Koox ka mid ah iyagoo diidan (Xaqa).
(24) Xaxaana ugu wacan inay dheheen ma na tabaato Naaru Maalmo mooyee, waxaa ku dhagray Diinlooda waxay been abuuran jireen.
(25) Ee say ahaan markaanu u kulmino Maalin aan shaki lahayn, loona oofiyo. (dhameeyo) Naf kastaa waxay kasbatay iyagoon la dulmayn.
(26) Waxaad dhahdaa Eebow adaa hanta Xukunka waxaad siisaa Xukunka Ciddaad doonto waxaad ka siibtaa «Wareejisaa» Xukunka Ciddaad doonto waxaadna cisaysaa Ciddaad doonto waxaadna Dulaysaa Ciddaad doonto adaana Hanta Khayrka, adaana wax kasta kara.
(27) Waxaadna dhexgelisaa Habeenka Maalinta, dhexgelisaa Maalinta Habeenka, kana soo bixisaa wax Nool wax dhimaad ah wax Nool, waadna Arzaaqdaa Ciddaad doonto Xisaab la'aan.
(28) Yeyna ka yeelan Mu'miniintu Gaalada Sokeeye Mu'miniinta ka Sokow ruuxii fala saas waxba Eebe kama mudna, inaad dhawrsasho xaggooda ka dhawrsataan mooyee, wuxuuna idiinka digi Eebe Naftiisa, xaga Eebaana loo ahaan.
(29) Waxaad dhahdaa haddaad Qarisaan waxa Laabtiina ku sugan amaad muujisaan waa ogaan Eebe, wuxuuna ogaan waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, Eebana wax kasta uu (doono) wuu karaa.