الملك   سورة  : Al-Mulk


سورة Sura   الملك   Al-Mulk
الملك Al-Mulk
تَبَارَكَ الَّذِي بِيَدِهِ الْمُلْكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ (1) الَّذِي خَلَقَ الْمَوْتَ وَالْحَيَاةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا ۚ وَهُوَ الْعَزِيزُ الْغَفُورُ (2) الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقًا ۖ مَّا تَرَىٰ فِي خَلْقِ الرَّحْمَٰنِ مِن تَفَاوُتٍ ۖ فَارْجِعِ الْبَصَرَ هَلْ تَرَىٰ مِن فُطُورٍ (3) ثُمَّ ارْجِعِ الْبَصَرَ كَرَّتَيْنِ يَنقَلِبْ إِلَيْكَ الْبَصَرُ خَاسِئًا وَهُوَ حَسِيرٌ (4) وَلَقَدْ زَيَّنَّا السَّمَاءَ الدُّنْيَا بِمَصَابِيحَ وَجَعَلْنَاهَا رُجُومًا لِّلشَّيَاطِينِ ۖ وَأَعْتَدْنَا لَهُمْ عَذَابَ السَّعِيرِ (5) وَلِلَّذِينَ كَفَرُوا بِرَبِّهِمْ عَذَابُ جَهَنَّمَ ۖ وَبِئْسَ الْمَصِيرُ (6) إِذَا أُلْقُوا فِيهَا سَمِعُوا لَهَا شَهِيقًا وَهِيَ تَفُورُ (7) تَكَادُ تَمَيَّزُ مِنَ الْغَيْظِ ۖ كُلَّمَا أُلْقِيَ فِيهَا فَوْجٌ سَأَلَهُمْ خَزَنَتُهَا أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَذِيرٌ (8) قَالُوا بَلَىٰ قَدْ جَاءَنَا نَذِيرٌ فَكَذَّبْنَا وَقُلْنَا مَا نَزَّلَ اللَّهُ مِن شَيْءٍ إِنْ أَنتُمْ إِلَّا فِي ضَلَالٍ كَبِيرٍ (9) وَقَالُوا لَوْ كُنَّا نَسْمَعُ أَوْ نَعْقِلُ مَا كُنَّا فِي أَصْحَابِ السَّعِيرِ (10) فَاعْتَرَفُوا بِذَنبِهِمْ فَسُحْقًا لِّأَصْحَابِ السَّعِيرِ (11) إِنَّ الَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِالْغَيْبِ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ كَبِيرٌ (12)
الصفحة Page 562
الملك Al-Mulk
(1) Waxaa barako badnaaday (oo weynaaday) Eebaha Xukunku awooddiisa ku jiro ee wax walbana kara.
(2) Eebaha abuuray geeri iyo nololba, si uu dadow idiin imtixaamo kiinna Camal fiican, Eebana waa adkaade dambidhaafe ah.
(3) Eebe waa midka abuuray Toddobo Samo oo isdul saaran kuna arki maysid abuurka Eebaha Raxmaanka ah kala tagsani, bal daymada celi inaad aragto wax dillaac ah.
(4) Haddana celi daymada waxaa kugu soo noqon aragga oo dhiban daallanna.
(5) Eebe wuxuu ku quxiyey Samada dhow Nalal (Xiddigaha) wuxuuna ka dhigay Xiddigahaas kuwo lagu gano Shayaadiinta, Wuxuuna Eebe u diyaariyay kuwaas Naarta Saciiro.
(6) Kuwa ka gaaloobay Eebahood waxaa u sugnaaday Caddibaadda Jhannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xun.
(7) Marka Gaalada lagu tuuro Naarta waxay ka maqli Cod xun oo daran iyadoo karaysa.
(8) waxay u dhawdahay inay Cadha daraadeed la kala dillaacdo, marka Koox (Gaala ah) lagu ridaba waxaa warsada Malaa'igta Naarta ka shaqeysa iyagoo ku dhihi miyuusan idiin imaanin wax idiin diga.
(9) Waxayna ugu jawaabi waa noo yimid wax noo diga waanse beeninay, annagoo leh ma soo dejinin Eebe waxba, idinkuna waxaad ku sugan tihiin baadi weyn.
(10) Gaaladii waxay dhaheen haddaan wax maqlaynno ama aan wax kasayno Naarta Saciiro ehelkeeda ma aanaan noqoneen.
(11) Waxay kirteen (Gaaladu) dambigoodii waxaana u sugnaatay fogaansho Naarta Saciiro ehelkeeda.
(12) Kuwa Eebe ka yaaba iyagoon la arkaynin (Eebe mooyee) waxaa u sugnaaday dambi dhaaf iyo ajri weyn.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022