(282) kuwa xaqa rumeeyow haddaad wax kala Daynsataan tan iyo muddo magacaaban quora hana idiin kala quoro dhexdiina qof si Cadaalad ah, yunna diidin Quore inuu u qoro siduu wax u baray Eebe, ha quoro hana u yeedhiyo kan xaqa lagu leeyahay, hana ka dhawrsado Eebe, yuuna wax ka nuqsaaminin hadduu yahay kan xaqa lagu leeyahay safiih ama tabaryare ama uusan karin inuu yeedhiyo ha u yeedhiyo Waligiisu si Caddaalad ah, maragana ka yeela Laba marag oo Rag ah, haddaan laba Nin la helinna Nin iyo Laba haweenood ka raalli thiin marag ahaan (laga yaabo) inay midi halmaanto oo tankale Xusuusiso, yeyna diidin maragu haddii loo yeedho, hana ka daalina inaad quortann wax yar iyo wax waynba tan iyo mudadiisa, saasaa ku cadaaladbadan Eebe agtiisa una sugan maragga una dhaw inaan la shakiyin, inay tahay Tijaara (Ganacsi) joogta aad maamulaysaan dhexdiina oo korkiina dhib (Dambi) ma aha inaydaan qorin, Marag u yeela haddaad wax kala Gadanaysaan, yanna la dhibin Qore iyo Marag midna, haddaad fashaan waa faasiqnimadiina, ka dhawrsada Eebe waxbuu idin bariye, Eebana wax kasta waa ogyahay.