النحل   سورة  : An-Nahl


سورة Sura   النحل   An-Nahl
وَقَالَ الَّذِينَ أَشْرَكُوا لَوْ شَاءَ اللَّهُ مَا عَبَدْنَا مِن دُونِهِ مِن شَيْءٍ نَّحْنُ وَلَا آبَاؤُنَا وَلَا حَرَّمْنَا مِن دُونِهِ مِن شَيْءٍ ۚ كَذَٰلِكَ فَعَلَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ ۚ فَهَلْ عَلَى الرُّسُلِ إِلَّا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ (35) وَلَقَدْ بَعَثْنَا فِي كُلِّ أُمَّةٍ رَّسُولًا أَنِ اعْبُدُوا اللَّهَ وَاجْتَنِبُوا الطَّاغُوتَ ۖ فَمِنْهُم مَّنْ هَدَى اللَّهُ وَمِنْهُم مَّنْ حَقَّتْ عَلَيْهِ الضَّلَالَةُ ۚ فَسِيرُوا فِي الْأَرْضِ فَانظُرُوا كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الْمُكَذِّبِينَ (36) إِن تَحْرِصْ عَلَىٰ هُدَاهُمْ فَإِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي مَن يُضِلُّ ۖ وَمَا لَهُم مِّن نَّاصِرِينَ (37) وَأَقْسَمُوا بِاللَّهِ جَهْدَ أَيْمَانِهِمْ ۙ لَا يَبْعَثُ اللَّهُ مَن يَمُوتُ ۚ بَلَىٰ وَعْدًا عَلَيْهِ حَقًّا وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ (38) لِيُبَيِّنَ لَهُمُ الَّذِي يَخْتَلِفُونَ فِيهِ وَلِيَعْلَمَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّهُمْ كَانُوا كَاذِبِينَ (39) إِنَّمَا قَوْلُنَا لِشَيْءٍ إِذَا أَرَدْنَاهُ أَن نَّقُولَ لَهُ كُن فَيَكُونُ (40) وَالَّذِينَ هَاجَرُوا فِي اللَّهِ مِن بَعْدِ مَا ظُلِمُوا لَنُبَوِّئَنَّهُمْ فِي الدُّنْيَا حَسَنَةً ۖ وَلَأَجْرُ الْآخِرَةِ أَكْبَرُ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ (41) الَّذِينَ صَبَرُوا وَعَلَىٰ رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ (42)
الصفحة Page 271
(35) Waxay dhahaan kuwii Eebe la wadaajiyay (Cibaadada) Haduu doono Eebe maanaan caabudneen cid ka Soo Hadhay waxba annaga iyo aabayaalkanno mana Xarrimneen isaga ka sokow waxba, Saasayna faleen Kuwii ka horeeyay ee Rasuullada ma saaran yahay Waxaan gaadhsiin cad ahayn.
(36) Waxaan ka bixinay Umad kasta Rasuul inay caabudaan Eebe kana dheeraadaan Dhaaquutka (Cibaadada Eebe ka sokow), Waxaana ka mida dadka Cid Eebe Hanuuniyay, Waxaana ka Mida ciday ku sugnaatay Baadinimo, Ee socda dhulka oo Eega siday Noqotay Cidhibtii Beeniyayaasha.
(37) Hadaad ku Dadaashid hanuunkooda Eebe ma hanuuniyo ciduu Dhumiyay mana helaan Gargaare,
(38) waxay ugu dhaarteen Eebe dhaar adag inuusan soo bixinayn Eebe cid dhimatay saas ma aha ee waa yabooh Eebe isasaaray (sugan) Dadka badidiise ma oga.
(39) inuu u caddeeyo waxay isku diidanyihiin iyo inay ogaadaan kuwii Gaaloobay inay ahaayeen Beenaalayaal.
(40) haddaan doono arrinna waa inaan uun ku dhahno ahow oy abaato.
(41) kuwii u haajiray dar Eebe intii la dulmiyey ka dib waxaan dejinaynaa adduunka wanaag, ajirka aakhiraana ka wayn hadday wax ogyihiin.
(42) waana kuwa samray «adkaystay» Eebahoodna uun tala saarta.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022