(54) hadday naf kasta oo dulmi fashay leedahay waxa dhulka ku sugan way isku furan lahayd, waxayna qarsan gaaladu shalayto markay Arkaan Cadaabka, waxaana lagu kala xukmin Dhexdooda Xaq lamana dulminayo.
(55) Eebana waxaa u sugnaaday waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulka, yabooha Eebana waa Xaq Dadka badankiisuse ma oga.
(56) Eebaa wax nooleeyn waxna dila xaggiisaana laydiin soo celin.
(57) Dadow waxaa idiin timid Waano Eebihiin iyo Caafimaadka waxa Laabta ku sugan iyo Hanuun iyo naxariista Mu'miniinta.
(58) Waxaad dhahdaa Fadliga Eebe iyo Naxariisiisa arintaas ha ku farxeen (Mu'miniintu) iyadaa ugu Khayrroon waxay kulmine.
(59) waxaad dhahdaa ka warrama waxa Eebe idiin soo dejiyo oo Risqi ah ood ka yeesheen Qaar ka mida Xaaraan (qaarna) Xalaal, waxaad dhahdaa ma Eebaa idiin idmay mise Eebaad ku Beenabuuranaysaan.
(60) Maxay u malayn kuwa ku been abuuran Eebe (inuu ku fali) Maalinta Qiyaame, Eebe waa kan Fadliga ku leh Dadka badankooduse kuma mahadiyaan.
(61) Wixii Xaala ood ku Sugan tahay wixii quraana ood Akhrin, wixii camala ood falaysaan waan idin la joognaana (ognahay) narkaad dhex galaysaan, kagama Qarsoona Eebahaa waxa u yar Dhulka dhexdiisa iyo Samada, wixii ka yar iyo wixii ka wanyna Kitaab cad bay ku sugnayihiin.