(65) waa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya ee caabud kuna samir cibaadadiisa, ma u ogtahay Eebe wax la mid ah, (oo la magaca).
(66) wuxuu dhihi dadkii (gaalka) ma markaan dhinto yaa laysoo bixin anoo nool.
(67) miyuuna xusuusanayn dadku anagu inaanu abuuray horay isagoon waxba ahayn.
(68) Eebahaan ku dhaartaye waannu kulmin iyaga iyo shayaadiinta, waxaana keenaynaa gaararka jahannamo iyagoo fadhiya.
(69) markaas waxaannu ka siiban koox kasta midkooda ugu daran madax adayg (gaalimada).
(70) annagaa og kuwa mudnaan badan galidda naarta.
(71) cid idinka mid ah oon ku aroorayn ma jiro naarta, arrintaasna waxay ku ahaatay Eebahaa wax go'an oo xukuman.
(72) Markaas waxaannu korin kuwa Dhawrsaday, waxaannu kaga tagi Daalimiinta Dhexdeeda iyagoo Jilbo u Fadhiya.
(73) marka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga oo cad cad waxay u dhihi kuwii gaaloobay kuwa rumeeyey labada kooxood midkee khayrroon naggadi oo wanaagsan kulan (fadhi).
(74) badanaa intaan halaagnay hortood quruun ka fiican xoolo (iyo dhar) iyo aragba.
(75) waxaad dhahdaa ciddii baadi ku sugan ha u fidiyo (sugo) Eebaha Raxmaana ah fidin, markay arkaan waxaa loogu gooddiyey ama cadaaba ama saacadda (qiyaame) waxay ogaan cidday xumaan badantahay gurigiisu oo taharyar junuud (ciidamo).
(76) wuu u siyaadiyaa Eebe kuwa hanuunay hanuun, kuwa hadha ee suuban (camalka) yaa khayrroon Eebahaa agtiisa abaal marin khayrna roon meel laysu celiyo.