(36) markay ku arkaan kuwii Gaaloobay waxay kaa yeeshaan jeesjees iyagoo dhihi ma kanaa kan sheegi Ilaahyihiinna iyagoo ka gaaloobi xusidda Eebaha Raxmaana.
(37) waxaa laga abuuray Dadka Deg deg, waxaana idin tusin Aayaadkayga ee ha degdegina.
(38) waxay dhihi waa goorma Yaboohii (Cadaabku) haddaad run sheegaysaan.
(39) hadday ogyihiin kuwii Gaaloobay markaan laga reebeyn Wajiyadooda Naarta iyo Dhabarkooda oon loona gargaarayn (ma degdegsadeen).
(40) waxayse ugu imaan (naartu) si kada ah wayna wareerin mana karayaan Celinteeda lamana Sugo.
(41) waxaa lagu jees jeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana ku dhacay kuwii ku jees jeesay oo Gaalada ah waxay ku jees jeesi jireen.
(42) waxaad dhahdaa yaa idinka Ilaalin Habeen iyo Dharaarba Eebaha Raxmaana waxayse iyagu ka jeedsan Xusidda Eebahood.
(43) ma waxaa u sugnaaday Ilaahyo naga celin ma karaan (waxay caabudi) Gargaarka Naftooda nalagamana Magan galiyo.
(44) Saas ma aha cc waxaan u Raaxaynay kuwaas iyo Aabayaalkood Intuu ku Dheeraado Cimrigu, Miyeyna Arkayn Inaannu ku imanayno Dhulka Anagoo Nusqaamin (Guusha Islaamka) Miyagaa Adag.