(46) hakula murmina ehelu Kitaabka wax fiican mooyee, marka lagareebo kuwa dulmiga fala oo ka mid ah, waxaadna dhahdaan waxaan rumeynay wixii nalagu soo dajiyey iyo wixii laydinku soo dajiyey Ilaahaanno iyo ilaahiinna waa mid annaguna isagaan u hogaansanay.
(47) saasaanu kuugu soodajiney Kitaabka, kuwa la siiyey Kitaabkana way rumeeyaan, kuwaasna waxaa ka mid ah kuwo rumeyn (ree Makaad), mana diido aayaadkanaga Gaalmooyee.
(48) matihid mid wax akhriya Quraanka ka hor kumana aadan dhigi jirin Midigtaada markaas ay shakiyaan kuwa baadhilka (xumaanta) ku socda.
(49) waase aayaad cad cad kuna sugan laabta kuwa cilmiga la siiyey, wax diidi aayaadkanaga oon daalimiinta ahayna ma jiro.
(50) waxay dhaheen gaaladii (Makaad) maxaa loogu dajinwaayey korkiisa aayado xagga Eebe ka yimid, waxaad dhahdaa aayaadku waxaa uun ay ka yimaadaan Eebe agtiisa aniguse waxaan uun ahay udige muuqda.
(51) miyuusanse ku fileyn inaan kugu soo dajinay Kitaabka (Quraanka) oo lagu akhriyo korkaaga, arrintaasna naxariis iyo waano yaa ugu sugan qoomkii rumeyn (xaqa).
(52) waxaad dhahdaa waxaa ku filan dhexdeenna Eebe markhaati ahaan wuxuuna ogyahay waxa ku sugan samooyinka iyo Dhulka, kuwa rumeeyey badhil kana gaaloobay Eebe kuwaasi iyaga uunbaa khasaaray.