الروم   سورة  : Ar-Room


سورة Sura   الروم   Ar-Room
وَلَئِنْ أَرْسَلْنَا رِيحًا فَرَأَوْهُ مُصْفَرًّا لَّظَلُّوا مِن بَعْدِهِ يَكْفُرُونَ (51) فَإِنَّكَ لَا تُسْمِعُ الْمَوْتَىٰ وَلَا تُسْمِعُ الصُّمَّ الدُّعَاءَ إِذَا وَلَّوْا مُدْبِرِينَ (52) وَمَا أَنتَ بِهَادِ الْعُمْيِ عَن ضَلَالَتِهِمْ ۖ إِن تُسْمِعُ إِلَّا مَن يُؤْمِنُ بِآيَاتِنَا فَهُم مُّسْلِمُونَ (53) ۞ اللَّهُ الَّذِي خَلَقَكُم مِّن ضَعْفٍ ثُمَّ جَعَلَ مِن بَعْدِ ضَعْفٍ قُوَّةً ثُمَّ جَعَلَ مِن بَعْدِ قُوَّةٍ ضَعْفًا وَشَيْبَةً ۚ يَخْلُقُ مَا يَشَاءُ ۖ وَهُوَ الْعَلِيمُ الْقَدِيرُ (54) وَيَوْمَ تَقُومُ السَّاعَةُ يُقْسِمُ الْمُجْرِمُونَ مَا لَبِثُوا غَيْرَ سَاعَةٍ ۚ كَذَٰلِكَ كَانُوا يُؤْفَكُونَ (55) وَقَالَ الَّذِينَ أُوتُوا الْعِلْمَ وَالْإِيمَانَ لَقَدْ لَبِثْتُمْ فِي كِتَابِ اللَّهِ إِلَىٰ يَوْمِ الْبَعْثِ ۖ فَهَٰذَا يَوْمُ الْبَعْثِ وَلَٰكِنَّكُمْ كُنتُمْ لَا تَعْلَمُونَ (56) فَيَوْمَئِذٍ لَّا يَنفَعُ الَّذِينَ ظَلَمُوا مَعْذِرَتُهُمْ وَلَا هُمْ يُسْتَعْتَبُونَ (57) وَلَقَدْ ضَرَبْنَا لِلنَّاسِ فِي هَٰذَا الْقُرْآنِ مِن كُلِّ مَثَلٍ ۚ وَلَئِن جِئْتَهُم بِآيَةٍ لَّيَقُولَنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا إِنْ أَنتُمْ إِلَّا مُبْطِلُونَ (58) كَذَٰلِكَ يَطْبَعُ اللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِ الَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ (59) فَاصْبِرْ إِنَّ وَعْدَ اللَّهِ حَقٌّ ۖ وَلَا يَسْتَخِفَّنَّكَ الَّذِينَ لَا يُوقِنُونَ (60)
الصفحة Page 410
(51) haddaan ku diro Dabaylo (daran) Beertooda ay arkaan iyadoo doorsoon, waxay markaas ka dib noqdaan kuwo Gaalooba.
(52) adigu wax ma maqashiin kartid kuwo dhintay, Mid dhagala' oo jeedsadayna wax ma maqashiin kartid.
(53) ruux Indha la'na baadi kama hanuunin kartid, ma maqashiinkartid (xaqa) ruuxaan rumeynin Aayaadkanaga oo muslimiin ahayn.
(54) Eebe waa kan idin ka abuuray Tabaryare, hadana idinka yeelay Tabaryare ka dib xoog, hadana xoog dabadi idinka yeelay Tabaryari iyo Gabow, wuxuu doono yuu abuuraa, waana wax walba oge, wax walba karc (oo uu doono).
(55) maalinta Qiyaamadu kacdo waxay ku dhaartaan dambiilayaashu inayan nagaanin Saacad mooyee, saasaana (xaqa) looga leexiyey.
(56) kuwii waxay dheheen cilmiga iyo Iimaanka la siiyey waad ku nagaateen Qadarka Eebe tan iyo maalinta soobixinta, kanna waa maalintii soobixinta, laakiin waxaad ahaydeen kuwo aan ogayn.
(57) Maanta (Qiyaamada) ma anfacdo kuwii dulmiga falay cudur daar iyo toobad keen.
(58) dhab ahaanbaan ugu caddaynay Dadka Quraankan dhexdiisa tusaale kasta, haddaadna ula timaado aayad waxay dhihi kuwii Gaaloobay waxaan baadhil (xumaan) ahayn kuma sugnidin.
(59) saasaa Eebe u daboolaa Quluubta kuwaan wax ogayn (wax anfaca).
(60) ee samir yabooha Eebe waa xaqe, yeyna ku fududayn kuwaan yaqiinsanayn (Xaqa).
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022