فصلت   سورة  : Fussilat


سورة Sura   فصلت   Fussilat
وَقَالُوا لِجُلُودِهِمْ لِمَ شَهِدتُّمْ عَلَيْنَا ۖ قَالُوا أَنطَقَنَا اللَّهُ الَّذِي أَنطَقَ كُلَّ شَيْءٍ وَهُوَ خَلَقَكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَإِلَيْهِ تُرْجَعُونَ (21) وَمَا كُنتُمْ تَسْتَتِرُونَ أَن يَشْهَدَ عَلَيْكُمْ سَمْعُكُمْ وَلَا أَبْصَارُكُمْ وَلَا جُلُودُكُمْ وَلَٰكِن ظَنَنتُمْ أَنَّ اللَّهَ لَا يَعْلَمُ كَثِيرًا مِّمَّا تَعْمَلُونَ (22) وَذَٰلِكُمْ ظَنُّكُمُ الَّذِي ظَنَنتُم بِرَبِّكُمْ أَرْدَاكُمْ فَأَصْبَحْتُم مِّنَ الْخَاسِرِينَ (23) فَإِن يَصْبِرُوا فَالنَّارُ مَثْوًى لَّهُمْ ۖ وَإِن يَسْتَعْتِبُوا فَمَا هُم مِّنَ الْمُعْتَبِينَ (24) ۞ وَقَيَّضْنَا لَهُمْ قُرَنَاءَ فَزَيَّنُوا لَهُم مَّا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَحَقَّ عَلَيْهِمُ الْقَوْلُ فِي أُمَمٍ قَدْ خَلَتْ مِن قَبْلِهِم مِّنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ ۖ إِنَّهُمْ كَانُوا خَاسِرِينَ (25) وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لَا تَسْمَعُوا لِهَٰذَا الْقُرْآنِ وَالْغَوْا فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَغْلِبُونَ (26) فَلَنُذِيقَنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا عَذَابًا شَدِيدًا وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ أَسْوَأَ الَّذِي كَانُوا يَعْمَلُونَ (27) ذَٰلِكَ جَزَاءُ أَعْدَاءِ اللَّهِ النَّارُ ۖ لَهُمْ فِيهَا دَارُ الْخُلْدِ ۖ جَزَاءً بِمَا كَانُوا بِآيَاتِنَا يَجْحَدُونَ (28) وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا رَبَّنَا أَرِنَا اللَّذَيْنِ أَضَلَّانَا مِنَ الْجِنِّ وَالْإِنسِ نَجْعَلْهُمَا تَحْتَ أَقْدَامِنَا لِيَكُونَا مِنَ الْأَسْفَلِينَ (29)
الصفحة Page 479
(21) ayna ku dhahaan korkooda (Jidhkooda) maxaad noogu marag kacdeen, ayna ku dhahaan waxaa naga hadliyey Eebaha ka hadliya wax kasta, isagaana idin abuuray markii hore xagiisana laydiin celin.
(22) Mana aydaan ahayn kuwa iska astura inay ku maragkacaan jidhkiinu, araggiinu iyo haraggiinu, inuusan Eebe ogayn wax badan ood falaysaan.
(23) kaasina waa malihiinii aad u malayseen Eebihiin isagaana idin halaagay, waxaadna ahateen kuwo khasaaray.
(24) haday samraanna naarbay ku hoyan hadday cudur daar dalbaana lagama aqbalo.
(25) Waxaan u darabnay Gaalada saaxiibo u qurxiya waxa ka horeeya, iyo waxa ka dambeeya, waxaana ku xukunaatay hadalkii Eebe isagoo umada kale ku dhex sugan (oo la cadaabi) oo ka horeeyey Jinni iyo Insina leh waxayna ahaayeen kuwo khasaaray.
(26) Waxay dhaheen kuwii Gaaloobay ha maqlina Quraanka kuna qaylya (marka la akhrin) waxaad u dhawdihiin inaad adkaataane.
(27) Waxaan dhadhansiinaynaa kuwii Gaaloobay Cadaab daran, waxaana ka abaalmarinaynaa kii ugu xumaa waxay camal falayeen.
(28) Kaasi waa abaalmarinta colka Eebe, waxayna gali Naar iyadoo u noqon Curi waarid, iyagoo laga abaal marin aayaadkanaga aydiideen.
(29) Waxay dheheen kuwii Gaaloobay Eebow na tusi labadaas nadhumiyey oo Jinni iyo Insi ah aan yeelo Gomadahanaga hoostoodee si ay u noqdaan kuwo ku hooseeya (Naarta).
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022