(16) Dhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta.
(17) Markay kulmi malaa'igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida.
(18) Wax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori).
(19) Waxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay.
(20) Suurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan).
(21) Naf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi.
(22) Waxaana loo odhan waad halmaansanaydeen ariintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay.
(23) Malaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray).
(24) Markaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jhannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis.
(25) Oo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah.
(26) Ee Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran.
(27) Saaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa.
(28) Eebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii.
(29) Hadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada.
(30) Xusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin.
(31) Jannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn.
(32) Waxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka).
(33) Ruuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan.
(34) Waxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee.
(35) Jannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado.