(31) (Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray.
(32) Waxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah.
(33) Si aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul).
(34) Oo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay.
(35) Markaasaan ka bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray.
(36) kamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn.
(37) Waxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran.
(38) (Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad.
(39) Wuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay.
(40) Markaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay.
(41) Ree Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta.
(42) Wax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran.
(43) Ree Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti.
(44) Waxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi.
(45) Mana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin.
(46) (Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah,
(47) Samada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay.
(48) Dhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe).
(49) Waxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan.
(50) Ee Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda).
(51) Hana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;.