(41) Dambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana lagu tuuri).
(42) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan,
(43) Tani waa Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi).
(44) Waxay ku meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda.
(45) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
(46) Ruuxii ka yaaba Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno.
(47) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
(48) Jannooyinkaas oo midabyo leh (iyo Laamo).
(49) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
(50) Waxaa laga helaa ilo socda.
(51) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
(52) Waxaa laga helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah).
(53) Nimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
(54) Waxay ku dangiigsan (ehlu Jannuhu) Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin.
(55) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
(56) Jannooyinka iyo Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay Insi iyo Jinni midna.
(57) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
(58) Waxaad moodaa Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh).
(59) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
(60) Wanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha.
(61) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
(62) Waxay heli Labadaas Janno ka sokow kuwa kale.
(63) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
(64) Waana Laba Jannoo madow (cagaaran).
(65) Nicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan.
(66) Waxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan.
(67) Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.