المجادلة   سورة  : Al-Mujaadila


سورة Sura   المجادلة   Al-Mujaadila
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا نَاجَيْتُمُ الرَّسُولَ فَقَدِّمُوا بَيْنَ يَدَيْ نَجْوَاكُمْ صَدَقَةً ۚ ذَٰلِكَ خَيْرٌ لَّكُمْ وَأَطْهَرُ ۚ فَإِن لَّمْ تَجِدُوا فَإِنَّ اللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ (12) أَأَشْفَقْتُمْ أَن تُقَدِّمُوا بَيْنَ يَدَيْ نَجْوَاكُمْ صَدَقَاتٍ ۚ فَإِذْ لَمْ تَفْعَلُوا وَتَابَ اللَّهُ عَلَيْكُمْ فَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ وَآتُوا الزَّكَاةَ وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ ۚ وَاللَّهُ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ (13) ۞ أَلَمْ تَرَ إِلَى الَّذِينَ تَوَلَّوْا قَوْمًا غَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِم مَّا هُم مِّنكُمْ وَلَا مِنْهُمْ وَيَحْلِفُونَ عَلَى الْكَذِبِ وَهُمْ يَعْلَمُونَ (14) أَعَدَّ اللَّهُ لَهُمْ عَذَابًا شَدِيدًا ۖ إِنَّهُمْ سَاءَ مَا كَانُوا يَعْمَلُونَ (15) اتَّخَذُوا أَيْمَانَهُمْ جُنَّةً فَصَدُّوا عَن سَبِيلِ اللَّهِ فَلَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ (16) لَّن تُغْنِيَ عَنْهُمْ أَمْوَالُهُمْ وَلَا أَوْلَادُهُم مِّنَ اللَّهِ شَيْئًا ۚ أُولَٰئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ (17) يَوْمَ يَبْعَثُهُمُ اللَّهُ جَمِيعًا فَيَحْلِفُونَ لَهُ كَمَا يَحْلِفُونَ لَكُمْ ۖ وَيَحْسَبُونَ أَنَّهُمْ عَلَىٰ شَيْءٍ ۚ أَلَا إِنَّهُمْ هُمُ الْكَاذِبُونَ (18) اسْتَحْوَذَ عَلَيْهِمُ الشَّيْطَانُ فَأَنسَاهُمْ ذِكْرَ اللَّهِ ۚ أُولَٰئِكَ حِزْبُ الشَّيْطَانِ ۚ أَلَا إِنَّ حِزْبَ الشَّيْطَانِ هُمُ الْخَاسِرُونَ (19) إِنَّ الَّذِينَ يُحَادُّونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ أُولَٰئِكَ فِي الْأَذَلِّينَ (20) كَتَبَ اللَّهُ لَأَغْلِبَنَّ أَنَا وَرُسُلِي ۚ إِنَّ اللَّهَ قَوِيٌّ عَزِيزٌ (21)
الصفحة Page 544
(12) Kuwa xaqa rumeeyayow markaad Nabiga qaabilaysaan hormariya Sadaqo, saasaa idiin khayr badan idiina nadiifsan, haddaydaan helaynin Eebe waa dambi dhaaf badane Naxariis badane.
(13) Ma waxaad ka cabsateen inaad hormarsataan Sadaqooyin markaad Nabiga la kulmaysaan; haddaydaan saas falin Eebe waa idin ka toobada aqbalaye ee Salaadda ooga Sakadana bixiya Ilaahaay iyo Rasuulkiisana adeeca, Eebana waa ogyahay waxaad camal falaysaan.
(14) Ma ogtahay kuwii ka sokeeye dhigtay kuwa Eebe u cadhooday kuwaasi idin ka mid ma aha iyagana ka mid ma aha (waa munaafiqiinta) waxayna ku dhaaran been iyagoo og.
(15) Eebe wuxuu u darbay kuwaas cadaab daran maxaa yeelay wax xun bay falayeen.
(16) Dhaartoodii bay gaashaan ka dhigteen dadkana xaqiibay ka leexiyeen waxayna mudan yihiin cadaab wax ihaaneeya.
(17) Xoolahooda iyo Caruurtoodu wax ugama taraan Eebe xaggiisa, waana kuwa ehelu Naar ah wayna ku waari.
(18) Maalinta Eebe soo bixiyo dhamaantood way u dhaaran Eebe siday idinka idiinku dhaartaan iyagoo u malayn inay wax (xuja ah) haystaan waase kuwo beenaalayaal ah.
(19) Waxaa ka qaalib noqday Shaydaan oo hilaamsiiyey xusidda Eebe, kuwaasi waa Xisbiga shaydaanka, Xisbiga shaydaankuna waa kuwa khasaaray.
(20) Kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa khilaafaya waxay ka mid noqon kuwa dullooba.
(21) Eebe wuxuu xugmiyey inuu adkaado isaga iyo Rasuulkiisa, maxaa yeelay waa xoog badane adkaade ah.
 


اتصل بنا | الملكية الفكرية DCMA | سياسة الخصوصية | Privacy Policy | قيوم المستخدم

آيــــات - القرآن الكريم


© 2022