(40) Waxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa.
(41) Inaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.
(42) Ee iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey.
(43) Maalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda).
(44) Aragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).
نوح Nooh
(1) Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed.
(2) Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda»
(3) ee Eebe Caabuda kana dhawrsada'anigana i adeeca.
(4) Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin.
(5) Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar.
(6) Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn.
(7) Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan.
(8) si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa»
(9) Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray.
(10) Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance.