(52) Markay u soo galeen kuna Dhaheen salaan Kuna yidhi waanu idinka cabsan.
(53) ooy Dhaheena ha cabsan Waxaanu kuugu Bishaarayn Wiil cilmi yeelane.
(54) Wuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad iigu Bishaaraynaysaan.
(55) Waxayna dhaheen waxaanu Kuugu Bishaarayn Xaq ee ha noqonin Mid quusta.
(56) Wuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee.
(57) Wuxuu yidhi Xaalkiinnu muxuu yahay Kuwan la Soo dirayaw.
(58) Waxayna dhaheen waxaa naloo Diray Qoom Danbiilayaal ah xagood.
(59) Ehelka (nabi) Luudh mooyee oo Waanu korin Dhammaantood.
(60) Haweenaydiisa mooyee oo noqon Kuwa ku Hadhi (Halaagga).
(61) Markay u yimaadeen Ehelki nabi Luudh kuwii La soo diray.
(62) Wuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin Qoom aan la Garanaynin.
(63) Waxayna dhaheen saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii).
(64) Waxaana kuula nimid Xaq, runna waan sheegaynaa.
(65) Ee guuri Ehelkaaga qayb Habeenka ka mida Socona Gadaashooda yayna soo Milicsan Ruux ka Mida (Dib) kuna socda meeja Laydin Faray.
(66) Waxaana u waxayoonay Amarkaas ah in Cidhibta Kuwaas la goyn Subaxdii.
(67) Waxaana yimid dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida).
(68) Wuxuuna yidhi kuwan waa Martidaydii ee Ha igu ceebaynina.
(69) kana dhawrsada Eebe hana i dullaynina.
(70) Waxayna dhaheen Miyaanaan kaa Reebin Caalamka (imaad marti galido cidna).