(111) waana Maalin ay imaan naf walba iyadoo ka doodi (Daafici) nafteeda oo loo Oofin naf kasta waxay fasahay lana duminayn.
(112) Eebe wuxuu tusaale ka yeelay Magaalo ahayd aamin oo xasiloon ugana yimaaddo risqigeedu (Cunnada) oo barwaaqo ah meel kasta oo ka Gaalowday Nicmooyinkii Eebe oo Eebe dhadhansiiyey Gaajo dabooshay iyo cabsi waxay sameynayeen darteed.
(113) waxaa dhab ahaan ugu yimid Rasuul ka mida wayna beeniyeen, waxaana qabtay Cadaab iyagoo Daalimiina.
(114) ee cuna waxa Eebe idinku Arsuqay ee xalaasha fiicana kuna shukriya Nicmada Eebe haddaad isaga Caabudaysaan.
(115) wuxuu uun idinka xarrimay Bakhtiga, Dhiigga, Hilibka Doofaarka iyo wixii lagu gawraco waxaan Magaca Eebe ahayn, ciddii dhibaatoota (Gaajo) iyadoon dulmiyin xadna gudbin Eebe waa dambi dhaafe Naxariista.
(116) ha dhihina wuxuu carrabkiina ku tilmaani been kani waa xalaal kanna waa xaaraan, inaad ku been abuurataan Eebe, kuwa ku Been abuurta Eebe ma Liibaanaan.
(117) waa Nolol yar (Adduunku) waxayna mudan Cadaab daran.
(118) kuwii Yuhuudoobay waxaan ka xarrimay waxaan kaaga qisoonay horay, mana aanaan dulmiyin iyagaase naftooda Dulmiyey.