(55) Inay ka Gaaloobaan waxaan siinnay, Raaxaysta waad Ogaan doontaan «Cidhibta Xaalkiinne».
(56) Waxay u yeelaan waxayna ogayn Qayb waxaan ku Arzaaqnay ka mida, Dhaar Eebee waa laydin warsan (Gaaloy) waxaad Been Abuuranaysaan.
(57) Waxayna u yeelaan Eebe Gabdho waa ka Nasahanyahay, iyaguna waxay yeelan waxay rabaan.
(58) Marka Loogu Bishaareeyo midkood Dhaddig wuxuu Noqdaa Wajigiisu Madow waIbahaarina.
(59) Wuxuuna iska Qariyaa Dadka Xumida waxa loogu Bishaareeyey, miyuu ku haystaa Dulli misc wuxu Dhumbiyaa Dhulka, waxaa xun waxay Xukumi.
(60) Kuwaan rumayn Aakhiro waxaa u sugnaaday Tusaale xun, Eebana waxaa u sugnaaday Sifada sare, waana Adkaade falsan.
(61) Hadduu Eebe u qaban Dadka Dulmigooda kagama tageen korka dhulka wax socda, wuxuuse dib ugu dhigi Muddo Magacaaban, markay Ajashoodu timaadana kama dib maraan Saacad kamana hormaraan.
(62) Waxayna u yeelaan Eebe waxay Nacayaan, waxayna tilmaami carrabyadoodu Been inuu wanaag u sugnaaday, waxaa sugan in Naar uun u sugnaatay, oo loo hormarin (Luguna dhaafi).
(63) Dhaar Eebee waxaan (Rasuullo) u dirray Umado kaa horreeyey wuxuuna u Qurxiyey Shaydaan camalkooda isagaana sokeeye u ah Maanta waxayna mudan Cadaab daran.
(64) Quraankana waxaan uun kuugu soo Dejinay inaad u Caddaysid Dadka waxay isku Khilaafsanyihiin iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddii Rumayn.