الإسراء Al-Israa
(1) waxa Nasahan (Ceeb ka fog) Eebaha ka guuriyey Addoonkiisa (Nabiga) Habeen masaajidka Xurmada leh (Maka) xagga Masjidkii Aqsa een barakaynay Gaararkiisa inaan Tusinno Nabiga Aayaadkanaga Eebana waa maqle arka.
(2) waxaana siinay Nabi Muuse kitaabkii (Tawreed) waxaana uga yeellay hanuun BaniiIsraa'iil inaydaan ka yeelanin wax iga soo hadhay Wakiil.
(3) faricii kuwaan la xambaarnay Nabi Nuux, wuxuuna ahaa Addoon (Eebe) ee Shugri badan.
(4) Waxaan ku (Ogaysiinnay) ugu Waxyoonay Banii Isra'iil Kitaabka (Tawreed) inaad fasaadinaysaan Dhulka Labo Jeer, isna kibrinaysaan iskibrin Wayn.
(5) Markuu yimaaddo Yabooha (Watiga) midda hore waxaan idinku soo Bixinaa «Dirraa» Addoomadanada oo Xoog daran leh, dhexgalina (Hanan) Gurya dhexdooda waana Yabooh la fali.
(6) Markaasaan idinku soo Celinaa Dawladnimada, idinkuna Xoogaynaa Xoolo iyo Caruur idinkana yeellaa kuwa Tiro badan.
(7) Haddaad Samo Fashaan waxaad u samo fasheen Naftiinna, haddaad Xumaan fashaanna waa uun Naftiinna, markuu Yimaaddo Yabooha Dambana way Xumeeyaan Wajigiinna iyo inay Galaan Masaajidka (Baytul Maqdis) siday u galeen markii hore iyo inay Damiraan «Tirtiaan» waxay u Adkaadaan Tirtirid.