(39) Arrintaasu waa waxa Eebahaa kuu waxyooday oo xigmada, hana yeelin Eebe la jirkiisa Ilaah kale oo lagugu tuuro Jahannamo adoo lagu dagaalay oo lagu fogeeyey.
(40) ma wuxuu idiin doortay Eebihiin Wiilal oos ka yeeshay Malaa'igta gabdho idinku waxaad ku hadlaysaan hadal wayn.
(41) dhab ahaan waan ku Caddaynay (gagadinay) quraankan (wax badan) inay waantoobaan umase kordhin waxaan carar ahayn.
(42) waxaad dhahdaa hadduu la jiro Eebe Ilaah kale siday sheegi waxay ka dooni lahaayeen Eebaha Carshiga leh jid (Cibaado ama la mid noqosho).
(43) Eebaa ka Nasahan Kana Sarreeya waxay sheegi sarrayn wayn.
(44) waxaa u tasbiixsada (Qaddariya) Eebe Samooyinka todobada ah iyo Dhulka iyo waxa u dhexecya, waxaan Eebe u Tasbiixsanayn ama ku mah- dinayna ma jiro, waydaanse garanayn tasbiixdooda, Eebana waa dulsame dambi dhaafa.
(45) markaad Akhriyi Quraanka waxaan yeellaa dhexdaada iyo dhexda kuwaan rumeynin Aakhiro xijaab (dayr) asturan.
(46) waxaana yeellay Quluubtooda dabool inay kasaan Quraanka dhagohoodana culays, markaad ku xusto Eebhaana Quraanka kaligis waxay u jeedsadaan Gadaal iyagoo carari.
(47) anagaa og waxay dhagaysan markay ku dhagaysan adiga iyagoo faqi markay dhihi Daalimiintu Waxaan Nin sixran ahayn ma raacaysaan.
(48) Day siday kuugu yeelaan tusaalayaal oy U dhumeen oyna u karin jidka Hanuunka.
(49) Waxay dhaheen (gaaladii) ma markaan noqonno lafo iyo burbur yaa nalagu soo celin Abuur cusub.