(99) saasaan kuugu qisoon (sheegi) warkii hor maray, waxaana kaa siinay agtanada quraan.
(100) ciddii ka jeedsata xaggiisa waxay xambaari maalinta qiyaame culays (dambi).
(101) iyagoo ku waari (ciqaabta) dhexdeeda waxaana u xumaaday iyaga maalinta qiyaame rar.
(102) waa maalinta la afuufi suurka, oon soona kulmineyno dambiilayaasha maalintaas iyagoo indho cawlan.
(103) wayna is warsan (xansan) dhexdooda maydaan ku nagaanin (adduunyada) Toban mooyee (maahmood)
(104) anagaa og waxay dhihi, markuu dhihi kooda ugu jid leh maydaan nagaanin maalin mooyee.
(105) waxay ku warsan Buuraha waxaad dhahdaa waxaa burburin Eebahay burburin.
(106) wuxuuna ka yeeli meel siman oo ebar ah.
(107) ku arki maysid qallooc iyo taag midna.
(108) maalintaas waxay raaci dhawaaqaha, kamana leexdaan waxayna u xasishay Cododku Eebaha Raxmaana mana maqashid shanqadh mooyee.
(109) maalintaas ma anfacdo shafeeco cid Eebaha Raxmaana idmo oo ka raalli noqday hadalkiisa mooyee.
(110) Wuxuu ogyahay Eebe waxa hortaada ah iyo waxa ka dambeeya mana ku koobayaan Eebe ogaansho.
(111) waxay u khuduucday Wajiyadu Eebaha nool ee wax maamula, waxaana khasaaray ruuxii xambaara dulmi.
(112) ruuxii fala wanaag isagoo rumeeyey kama Cabsado dulmi iyo nusqaamin midna.
(113) saasaanu kugu soo dejinnay Quraan Carabi ah uguna caddaynay ((celcelinay) dhexdiisa Gooddi inay dhawrsadaan darteed ama u timaado xusuus (waano).