(43) Kamana hor marto Ummadi Ajasheeda (Waqtigeeda) kamana Dib marto.
(44) Markaasaan Diray Rasuullada nadii oo Israacsan markastooy Ummad u Yimaaddoo Rasuulkoodu waybeeniyaan, waxaana Raacsiinay Qarkood Qaar (Halaag) waxaana ka yeelay Sheeko Fogaanshaana u Sugnaaday Qoomaan (Xaqa) Rumeyn.
(45) Markaasaan la Diray (Nabi) Muuse iyo Walaalkiis Haaruun Aayadkanagii iyo Xujo Cad.
(46) Xagga Fircoon iyo Jameecadiisii (yaana u dirray) wayna is kibriyeen waxayna ahaayeen Qoom is korraysiiya.
(47) waxayna dheheen ma waxaanu u rumayn Labo ruux oo nala mid ah Qoomkooduna anaga na Caabudo.
(48) Wayna Beeniyeen waxayna Noqdeen kuwo la Halaagay.
(49) Waxaana Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka inay Hanuunaan.
(50) Waxaana ka yeellay ina Maryamna iyo Hooyadiis Aayad waxaana u Dunnay Meel sare oo Sugnaansho iyo Biyo Socda leh.
(51) Rasuullow ka Cuna Xalaasha, Falana Wanaag, Anigu waxaad Falaysan waan Ogahaye.
(52) Tanna waa Umaddiinii (Diinta) umad (Diin) kaliya anna waxaan ahay Eebihiin ee iga Dhawrsada.
(53) Waxayse y kala Goosteen Amarkooda Dhexdooda Kooxo, Xisbi kastana waxa Agtooda ah yey ku Faraxsanyihiin.
(54) ee Isagaga Tag Halmaanshahooda Dhexdiisa Tan iyo Muddo.
(55) ma waxay u Malayn waxaannu Siin oo Xoolo iyo Caruur ah.
(56) Inaanu u soo Hormarinay Khayraad wax ma Oga.
(57) kuwa uun Ka Cabsada Eebahood ka Yaabid.
(58) kuwa uun Aayaadka Eebahood Rumeeya.
(59) kuwa uun Eebahood aan la Wadaajinin.